Arday Soomaali ah oo Abaal-marin lagu guddoonsiiyay Magaalada Melbourne ee dalka Australia.
Posted by abdi on December 25 2013 21:43:43

Bishan oo kale December Sanadwalba waxaa iskuullada loo xiraa ardada wax ka barata dugsiyada dalkan Australia, waana xilliga la galo fasaxyada dheer ee xagaayga.


Extended News

Bishan oo kale December Sanadwalba waxaa iskuullada loo xiraa ardada wax ka barata dugsiyada dalkan Australia, waana xilliga la galo fasaxyada dheer ee xagaayga. Ardayda dhigata iskuullada hoose dhexe, sare, iyo jaamacadaha ayaa kaddib markii iskuulada loo xiro loo sameeyaa munaasbado lagu guddoonsiinayo abaalmarino ay muteysteen muddadii sanadka ahayd ee ay tacliinta soo wadeen, iyagoo qaarkood u kala gudba dugsiyada sarre halka kuwa kalena ay u gudbaan jaamacadaha dalka.

Ismahaan Cabdulqaadir ayaa ka mid noqotay ardyda sanadkan nasiibka u yeelatay iney hesho abaalmarinta loo yaqaano ACADEMIC AWARD oo lasiiyo ardada ugu dadaalka badan iskuulka. Tirada Soomaalida heshay abaalmarinta noocaan ah ayay ahaayeen labo gabdhood oo Ismahaan ay ku jirto.

Ismahaan oo aad u faraxsan ayaa Hargeysa Online u sheegtay in abaalmarin sanadkan ay heleyso sidoo kale dad badan oo munaasabadda isugu yimid ayaa iyana la arkayey sida ay ugu faraxsanaayeen Soomaalida oo ka soo dhex muuqata bulshada ay la nool yihiin. Ismahaan waxa ay sanadka soo socda ay u gudbeysaa dugsiga sare, iyadoo fasalka ugu dambeeyay ee dugsiga dhexe minka ay dhameysay,laguna sagootiyey abaalmarin qaali ah



Dalka Australia ayaa ka duwan dalaka reer galbeedka marka ay timaado xagga xiritaanka iskuullada ,waxaana xusid mudan in iskoollada xilliga xagaaga la xiro bilaha JUNE ilaa September, halka dalka Australia uu xilliga xagaayga ama Kuleylaha u jiro inta u dhaxeysa bilaha November illaa March.

Magaalada Melbourne waa magaalada ugu soomaalida badan dalka Australia, waxayna halkan ay ku hasytaan shaqooyin, waxbarasho iyo ganacsi intaba.