Warbixin: Wafdigii Xamar ee Sh/ Hoose soo gaaray iyo waan waantii oo bur bur qarka u saaran.
Posted by abdi on December 25 2013 21:59:43

Maalintii Taarikhdu ay aheyd 22-12-2012 ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka tagay Fawdi isugu jiray Odayaal dhaqameedka Muqdisho iyo DF oo uu hogaamniyo Wasiirka Difaaca ee DF Cabdixakiin Fiqi.


Extended News

Maalintii Taarikhdu ay aheyd 22-12-2012 ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka tagay Fawdi isugu jiray Odayaal dhaqameedka Muqdisho iyo DF oo uu hogaamniyo Wasiirka Difaaca ee DF Cabdixakiin Fiqi, wafdigaas ayaa si nabadgalyo ah ku gaaray degmada Lambar 5O ee gobolka Shabeelada Hoose.

Wafuudaan kala gadisan ayaa degmada u gaaray sidii ay dhex dhexaadin aan lagu kalsoonaan karin uga dhex bilaabi lahaayeen labada beeleed ee ku diriray gacan ku heynta gobolka Shabeelada Hoose oo tan ilaa 1991 ay ka socotay xaqdaro aad u baaxad weyn oo lagu hayo dadka deegaanka.

Wafdigaan ayaa sidii lagu balan sanaa ka bilaabay dadaalkooda nabadeed in ay kala qaadaan ciidamada isku hor fadhiya deegaanadii lagu dagaalamay ee sida bareerka ah dabka loo qabadsiiyay, halkaas oo ay ku bas beeleen guryo iyo beero aad u tira badan.

Dadka deegaanka oo ay hogaaminayaan ciidamada difaaca ku jira ee Beesha Biimaal ayaan kalsooni weyn ka muujin imaatinka wafuudaan deeganaka soo gaaray, waxaana ay ciidamada Biimaal si cad u sheegeen in beesha Habargidir loo eexaanayo.

Wadaxaadjoodkii oo qaatay wakhti aad u dheer isla markaan gabaldhacii soo gaaray ayaa wafuudii xamar ka timid ay u hoydeen xerada ciidamada Amisom ku leedahaay agagaarka deegaanka Muuri, waxaana ay meeshoodii kasii wadeen dhex dhexaadintii iyo ukala dabqaadkii dhinacyadii dagaalku ka dhaxeeyay markuu waaga baryay.

Wafdiga Xamar iyo ciidamada deegaanka ayaa is mari waa uu ka dhextaagan yahay waxaana lagu kala booday qodobo ay soo jeediyeen wafdiga ee ahaa in ciidamada Biimaal gabi ahaanba loo raro magaalada Ceel jaale ee u dhaxeeysa Shalanbood iyo Marka, taas oo ay ku gacan seyreen Gudoomiyha gobolka Cabdullahi Waafow iyo Taliyaha ciidamada deeganka ee Biimaal.

Gudoomiyha gobolka Cabdullahi Waafow iyo Taliyaha ciidamada deeganka ee Biimaal ayaa dhinacooda hor dhigay in marka hore gabi ahaanba laga saaro gobolka ciidamada Habargidir isla markaana tilaabo laga qaado masuuliyadii ay ku lahaan baabi’intii iyo dabkii sida ulajeedka ah loo qabadsiiyay tuulooyinka ku xeeran Lanbar 50 oo ay ku guryo iyo beero waayeen dad masaakiin o ah oo aan waxba galabsan.

Waxgaradka deegaanka dibada iyo gudaba waxey cod dheer ku muujiyeen sida aysan raali uga aheyn dagaalada ka socda gobolka Shabeelada Heeso iyo duulaanka ay DF wax kasoo qorsheysay ee shacabka deegaanka ee beeraleyda ah lagu bara kicinayo.

Ugu dabeyna lama yaqaan sida ay mirra dhali doonto waan waanta daciifka ah ee DF iyo Odayaasha ay ka wadaan gobolka, balse waxaa xaqiiqo ah in dagaaladu sii socon doonaan ilaa iyo inta xal waara laga gaarayo.