Wasiiradii Xukuumaddu u Dirtay Shaqaaqadii Burco Oo Ka Warbixiyey Halka ay Wax u Marayaan.
Posted by xaaji on December 26 2013 12:42:58

Laba Maalmood ka dib markii ay shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac keentay Magaalada Burco, ayey Wafti wasiirro ah oo Hawshan ku jirey ka Warbixiyeen mesha wax u marayaan.



Extended News

Laba Maalmood ka dib markii ay shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac keentay Magaalada Burco, ayey Wafti wasiirro ah oo Hawshan ku jirey ka Warbixiyeen mesha wax u marayaan.

Waftiga oo Ka Kooban wasiirrada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Ciyaaraha, Beeraha, Deegaanka iyo Waliba maamulka Gobolka Todheer oo habeenadii ugu dambeeyey wada hadal la lahaa qoyska uu ka soo jeeday Marxuumkii mudaharaadka ku dhintay, si ay u dhammeeyaan waxkasta oo dib u soo celin kara dhibkii ka dhacay magaalada.


Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdi Aw Daahir oo ugu Horayn Shirkaasi Jaraaid ka hadlay ayaa waxaa uu ku baaqay in shacabka togdheer ay ilaashadaan nabad gelyada lana wacyi geliyo dhalinayarada waxaana uu sheegay inaan laga hadhi doonin dadkii ka danbeeyey shaqaqadii burco ka dhacday, “laga hadhi maayo cidii ka danbaysay falalkaa foosha xun ee shaqaaqadaa waxaana ka hawl geli doona insha allaah ciimada amniga ee ku shaqada leh, waana lagu daba jiraa hawlahaa wixii ka danbeeyey” ayuu yidhi Wasiirku.


Wasiir Cabdi Aw Daahir isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi” Waxaan doonayaa inaan ka war bixiyo halka ay xaaladu marayso, waxaa jirtay marxuumkii ku geeriyooday alle how naxariistee shaqaaqadaa waxaa la gaadhay in la aaso berito, aaskiisii laba saddex cishuu qaatay runtii xoogaa waa inagu dheeraatay waxkastaba ha noqotee se laakiin duruufaha jira awgeed, hasa yeeshee qaraabadii ehelkii iyo jufadii reerkii uu ka dhintay in la aaso berito, taasina waa hawl runtii cidii ka shaqaysay iyo cidii ka hawl gashayba aad iyo aad baan uga mahad naqaynaa.”



Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somalialnd Dr Cabdi Aw Daahir ayaa alle uga beryrey dadkii ku dhaawacmay rabshadahaasi oo ay ku jireen qaar kamida ciidamada boolisku inuu caaafimaad deg deg ah siiyo, waxaana uu xusay in hada la daaweynaayo sidoo kale qaar kamida dadkaasi dhaawaca loo diyaariyey Caasimada hargeysa si halkaasi loogu dabiibo isagoo xaaladooda caafimaad sheegay inay aad u fiican tahay.

Xaalada Guud ee Magaalada Burco ayaa haatan deggen, waxana ka jira Jawi nabadgelyo, iyadoo Odayaasha deegaankana si weyn loogu adkeeyey inay Dhallinyarada ka wacyigeliyaan mushiladaha iyo rabshadaha dhimashada keeni kara.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.