Raisul wasaaraha cusub ee xukuumada Somalia oo maanta xilka kala wareegaya raisul wasaarihii hore.
Posted by xaaji on December 26 2013 13:11:56

Waxaa maanta lagu wadaa iney ka dhacdo magaalada Muqdisho munaasabad ay xilalka ku kala wareegayaan raisul wasaaraha cusub ee Somalia.


Extended News

 

Waxaa maanta lagu wadaa iney ka dhacdo magaalada Muqdisho munaasabad ay xilalka ku kala wareegayaan raisul wasaaraha cusub ee Somalia Cabdiweli Shiikh Axmed iyo raisul wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Qabanqaabo ku saabsan munaasabadaas ayaa ka socota xarunta madaxtooyada Villa Somalia, waxaana lagu bwadaa iney ka qeyb galaan xafladaas madaxda sare ee dowlada sida madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamanka iyo xubno ka tirsan golihii hore ee wasiirada.

Maalintii shalay ayaa raisul wasaaraha cusub ee Somalia waxaa uu ku soo wareegay qeybaha uu ka kooban yahay xafiiska raisul wasaaraha, iyadoo uu la socdo raisul wasaaraha xilka wareejinaya, iyadoo mid mid loo baray dhamaan shaqaalaha xafiiska ka howlgala.


 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.