Xuseen Samatar oo loogu Magacdaray Wadadii Shanaad oo laga hirgelinayo Magaalada Minneapolis.
Posted by abdi on January 01 2014 10:48:57

Waddada shanaad ee magaalada Minneapolis laga hirgalinayo ayaa loogu magacdaray Xusseen Samatar oo ahaa nin Soomaali ah oo magac dheer ku yeeshay gobolkaas kadib markii uu noqday ruuxii ugu horreeyay ee Soomaali ah.


Extended News

Waddada shanaad ee magaalada Minneapolis laga hirgalinayo ayaa loogu magacdaray Xusseen Samatar oo ahaa nin Soomaali ah oo magac dheer ku yeeshay gobolkaas kadib markii uu noqday ruuxii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee loo doorto xafiis dawladeed sannadkii 2010-ka isagoo kamid ahaa xubnaha gudiga waxbarashada ee magaalada Minneapolis.

Mayorka xilka kasii dagaya ee magaalada Minneapolis R.T. Rybak ayaa ku dhawaaqay inu Xusseen Samatar oo u dhintay Kaansarka dhuuxa sannadkaan gudihiisa loogu magacdaray wadada Shanaad ee laga hirgalinayo daanta galbeed ee magaalada Minneapolis.

Mayorka ayaa sheegay in daanta galbeed ee magaaladu ay muddo dheer ahayd meel ay daganaayeen dad muhaajiriin ah oo kakala yimid wadamada Somalia, Norway, Sweden, Germany iyo koonfurta galbeed ee qaarada Asia.

HargeysaOnline.Net

“Daanta galbeed oo ay ku taallo jasiirada Ellis waxay ka go’antahay Minneapolis inteeda kale laakiin hadda waxay noqonaysa mid ku xiran magaalada” ayuu yiri Mayor Rybak oo khudbad jeedinayay.

Xaaska uu ka dhintay Xusseen Samatar, Ubax Jaamac oo joogtay goobtaas ayaa u mahadcelisay Maayarka iyadoo guddoonsiisay hadiyado kala duwan oo ka turjumaya dhaqanka Soomaalida kuwaasoo uu kamid ahaa alwaax lo qoray oo loo ekaysiiyay hal iyo nirig is nuugaya.

Cabdi Warsame oo isna noqday qofkii ugu horreeyay ee la doorto xubinnimada dawlada hoose ee magaalada Minneapolis oo maanta xafladaas ka qaybgalay ayaa sheegay in guul ay u tahay Soomaalida in qof iyaga kasoo jeeda wado ku taal magaalada Minneapolis loogu magacdaro.

“Waa wax aad u wanaagsan in qof Soomaali ah loogu magacdaro wado muhiim ah oo qayb ka qaadan doonta horumarka magaaladan" ayuu yiri Cabdi Warsame.