Ra’iisul Wasaare C/weli Sheekh oo sheegay in sannadkan uu yahay sanadkii dhismaha Ciidamada.
Posted by abdi on January 01 2014 20:01:19

Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sh. Axmed Maxamed oo saaka booqasho ku tagay wasaaradda gaashaandhigga iyo xerada tababarka ciidanka ee Jazeera.


Extended News

Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sh. Axmed Maxamed oo saaka booqasho ku tagay wasaaradda gaashaandhigga iyo xerada tababarka ciidanka ee Jazeera ayaa sheegay in sanadkan 2014-ka uu u noqon doono sanad la dhismaha ciidanka qalabka-sida iyo sanadkii Al- Shabaab laga xoreynayay dalka oo dhan.

Booqashadan waxaa ra’iisul wasaaraha ku welinayay wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, ku xigeennadiisa iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka, iyagoo ugu horreyn booqday wasaaradda gaashaandhigga, isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka, isaga kormeeray qaybaha ay wasaaraddu ka kooban tahay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku ammaanay saraakiisha ciidanka xoogga sida ay ugu soo dhabar-adaygeen difaaca Qaranka iyadoo aanay jirin xaquuq iyo daryeel dhamaystiran oo haystaan. Iyadoo wafdiga ra'iisul wasaaruhu ay salaan-sharaf ka qaateen cutubyo ka tisan ciidamada xoogga dalka.

“Waxaan idinku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen bad-baadinta dadka iyo dalka, waxaana tihiin geesiyaal Qaran, ummadda Soomaaliyeedna idin ma illaawi doonto,” ayuu yiri C/weli Sheekh ku yiri hadal uu saraakiisha ciidamada u jeediyay, isagoo dhanka kale u ballan-qaaday in xukuumaddu xoogga saari doonto joogteynta mushaaraadka ciidamada iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ku boorriyay ciidamada xoogga dalka in sannadkan ay u noqon doonto sanadkii dib-u-dhiska iyo sifeynta xag-jirka. Isagoo yiri: “Sannadkan wuxuu noqonayaa sannadkii dib-u-dhiska ciidamada xoogga iyo sifeynta kooxaha xag-jirka ah ee shacabka cunno-qabateeyay ku haya.”

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha ayaa booqasho ku tagay xerada tababbarka ciidamada ee Jazeera, wuxuuna halkaasi kula kulmay cutubyo ciidammada xoogga ka tirsan, wuxuuna u ballan-qaaday in xukuumaddu ay muhiimad gaar ah siinayso helista xaquuqdooda iyo qalabeyntoodaba, si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyo xasilinta dalka.

Ugu dambeyn, wasiirka gaashaandhigga Somalia. C/xakii Fiqi iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa warbixin ka siiyay ra’iisul wasaaraha howsha ay hayaan ciidamada xoogga dalka iyo waxayaabaha u baahan yihiin, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu aqbalay dhammaan soo-jeedinnadii xubnahan.

Booqashadan oo ah tii labaad oo ra'iisul wasaaruhu sameeyo tan iyo markii uu xilka kala wareegay ra'iisul wasaarihii dhammaadkii bishii lasoo dhaafay ee December 2013, ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu ku tago wasaaradda gaashaandhigga iyo xerada ay ku tababartaan ciidamada xoogga dalka ee Jaziira.


Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.