Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo la dhaariyay.
Posted by abdi on January 01 2014 20:08:53

Xarunta baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe, waxaa maanta lagu dhaariyey 66-da xildhibaan ee baarlamaanka Puntland kamid noqon doona shanta sano ee soo socota.


Extended News

Xarunta baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe, waxaa maanta lagu dhaariyey 66-da xildhibaan ee baarlamaanka Puntland kamid noqon doona shanta sano ee soo socota.

201411635241539452792198dhaar20xildhibaanada205.jpg

201411635241604538071449img_0129.jpg



Munaasabadda dhaarinta waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ay kamid yihiin Madaxweyne Faroole, madaxweynihii hore Jen. Cadde, Isimmo, culimaa'uddiin, iyo qaar kamid ah murashaxiinta u taagan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Sheekh Axmed Daahir oo furay munaasabadda ayaa goobta ka jeediyey kalmad dardaaran ah oo ku socotey xildhibaanada cusub, isagoo ku boorriyey in ay mas'uuliyad weyn iska saaraan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka saaran.

Inj. Yuusuf Abshir Cadami oo ah guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Xulista Xildhibaanada oo intaas kaddib hadalka qaatay, ayaa wuxuu ka sheekeeyey qaabkii ay howsha xulistu kusoo gaba gabowdey, isagoo xusay in ay shaqo adag soo qabteen.

Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) ayaa kamid ahaa mas'uuliyiintii munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub ka hadlay. Cadde wuxuu xildhibaanada uga digey in aysan dowladda ku milmin, maadaama uu baarlamaanku yahay hay'ad qaran oo awooddeeda leh.

Madaxweyne Faroole ayaa isna madasha hadal kooban ka jeediyey. Wuxuuna aad u bogaadiyey xildhibaanada cusub, isagoo u rajeeyey guul iyo in Eebe uu shaqadooda u fududeeyo.

Murashaxiinta qaar kamid ah ayaa iyaguna goobta ka hadlay, waxayna hambalyo u direen xildhibaanada cusub, iyagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan eex iyo nin jeclaysi.

Intaas kaddib waxaa murashaxiinta afar-afar loogu dhaariyey Kitaabka Qur'aanka, iyagoo ku dhaartay inay dalka iyo dadka reer Puntland si daacad ah oo hufanaan iyo wadaninimo leh ugu shaqeyn doonaan.

48-da saac ee soo aaddan ayey xildhibaanada baarlamaanku iska dhex dooraan doonaan guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddiga kumeel gaarka ah ee maamuli doona doorashada madaxtinimada.

Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.