Xisbiga UCID Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Inay Meeqaanka S/land Hoos U Dhigtey.
Posted by abdi on January 01 2014 20:25:41

Musharaxa madaxwaynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumadda xisbiga Kulmiye ee talada haysa ku eedeeyey inay hoos u dhigtay meeqaamkii ay Somaliland ku lahayd dunida.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Musharaxa madaxwaynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumadda xisbiga Kulmiye ee talada haysa ku eedeeyey inay hoos u dhigtay meeqaamkii ay Somaliland ku lahayd dunida, kaas oo tilmaamay in saaxiibo dhaw oo ay caalamka ku lahayd inay qaarkood u haystaan in madaxbanaanidii Somaliland laga noqday.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidoo kale naqdiyey siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, kaas oo tilmaamay inuu wasiirkii khaarajigu shaqadiisii kaga mashquulay heshiisyo ganacsi, isla markaana xussay inay siyaasada arrimaha debadu dhaantay intii aan wasiir Maxamed Biixi loo magacaabin.

Sidoo kale Jamaal Cali waxa uu xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku canaantay ka aamusnaanta go’aanka ay Somalia ku shaacisay inay gabi ahaanba ka baxday wada-hadaladii ay Somaliland la lahayd, waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu shalay warbaahinta ugu waramay magaaladda Hargeysa. Ugu horayna isaga oo arrimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Waa ayaan daro inaga oo dawladda xisbiga Kulmiye ee imika jirtaa ay ummada Somaliland iyo anagaba ku qancisay in wada hadalada Somalia lala bilaabay ay yihiin wada hadalo la doonayo in lagaga baxo Somalia, iyada oo markii horeba ay qalad ahayd sida qorshe ahaan loo socday hadana danta wadanka iyo bulshada caalamka eegayna aanu aqbalnay, laakiin inaanay siyaasad cad ka lahayn dawladda hada jirtaa waa ayaan daro waayo xiligii ay dawladda Somalia ka baxday wada hadaladaas wakhti badan ayaa ka soo wareegay, imikana baarlamaankoodii ayaa la hor gaynayaa”.

Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen waxa uusheegay in dawladda Somaliland ee hada jirtaa ay hoos u dhigtay meeqaamkii ay Somaliland ka joogtay wada caalamka, waxaanu wasaarada arimaha debada ku eedeeyey inay ka gaabisay hawlihii ay qaranka u haysay isaga oo arrimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi “Dawladda Kulmiye waxaad moodaa in meeqaamkii aynu ku lahayn caalamka ay hoos u dhigtay, waxaanad arkaysaa in saaxiibadii aynu ku lahayn caalamka inay qaar u haystaan inaynu ka noqonay Somaliland waayo wax ictiraaf ah oo la raadinaya ma jirto, wasaarada arimaha debaduna waxaad moodaa inay ka sii dartay marka loo eego wakhtigii hore sidii ay ahayd oo imika culayskeedu noqday in heshiiska ganacsiga ka shaqayso”.

Jamaal Cali Xuseen isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya musharixiin u sharaxan doorashadda Puntland oo uu sheegay inay gudaha Somaliland dhex ololaynayaan, waxa uu yidhi “Waxa aniga saamynta ii samaynaya oo markii ugu horaysay ah oo Somaliland-na ugub ku ah in musharixiin Puntland ahi ay deegaamadii Somaliland ay si cad uga tartamaan, runtiina xukuumadda fashilaad ayey ku tahay”.

 

Ayaan maxamed cismaan.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.