Maayarka Caasimada Oo Biyo Yaraanta Hargeysa Ku Tilmaamay Arrin Qaran.
Posted by abdi on January 01 2014 20:34:00

Hargeysa(Hargeysa Online)Gudoomiyaha golaha deegaanka Hargeysa, isla markaana ah Maayarka caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) ayaa sheegay in Biyo yaraanta.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Gudoomiyaha golaha deegaanka Hargeysa, isla markaana ah Maayarka caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) ayaa sheegay in Biyo yaraanta ka taagan caasimada Hargeysa ay tahay mid qaran oo aan golahooda deegaanka oo kali ahi waxba ka qaban karin, waxaanu intaa ku daray in mustaqbalka sidii looogu heli lahaa Biyo ku filan Hargeysa ay u baahan tahay arrin qaran in wax lagaga qabto.

Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Solteco oo shalay kulan ay la yeesheen guddiga golaha guurtidu u saaray baadhista mudaharaadkii todobaadkan ka dhacay caasimada ee la xidhiidhay cabashada Biyo yaraanta oo kulankaasi ka dib saxaafadu wax ka waydiisay golahooda deeganka ee la soo doortay inay ka gaabiyeen horumar la’aanta Biyaha Hargeysa, ayaa isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi “Arrinkan Biyo yaraanta caasimadu maaha mid golahayaga oo kaliya wax ka qaban karo, balse waa arrin culus waana arrin qaran oo culayskeedu wayn yahay oo aan loo nisbayn karin golaha deegaanka Hargeysa”.


Ayaan maxamed cismaan.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.