Ciidamada Badda Talyaaniga oo soo bad-baadiyay Doonni siday Tahriibayaal ay Soomaali ku jireen.
Posted by xaaji on January 03 2014 21:41:24

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa bad-baadiyay tahriibayaal dhan 233 ruux oo wadamo kala duwan  u dhashay, kuwaasi oo la socday dooni ay ka so raaceen Liibya.


Extended News

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa bad-baadiyay tahriibayaal dhan 233 ruux oo wadamo kala duwan  u dhashay, kuwaasi oo la socday dooni ay ka so raaceen Liibya,waxaana xilliga la bad-baadiyay  ay doontu qarka u saarnayd in ay dagto.

Muhaajiriintan waxaa ku jiray tiro Soomaali ah oo waqti badan ku xayirnaa magaalada Tiripoli, isla markaana safar dheer kaga soo baxay dalka Itoobiya si ay u soo galaan Talyaaniga oo ah marinka kaliya ee Yurub qaybaheeda kale looga sii gudbo.

Waa tiradii ugu horeysay oo ciidamada ilaalada xeebaha ay bad-baadiyaan tan iyo intii  la galay sanadkan cusub ee 2014-ka, iyadoo ay jiraan kuwa  intaa ka badan oo la bad-baadiyay dhamaadkii sanadkii tagay.

Sidoo kale Muhaajiriintan qaarkood waxa ay u dhasheen wadamada kala ah Nigeria, Ereteria, Zambia, Mali iyo Bakistaan Pakistan, waxaana dhammaan dadkan xaaladooda caafimaad la tacalaya ciidamada gacanta ku dhigay.

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Enrico Lette ayaa sannadkii hore sheegay in dowladdiisa ay wax badan u qaban doonto qaxootiga Afrikaanka ah ,ka dib markii ay soo shaac baxday fadeexad ku aadan in la jir-dilo qaxootiga halkaas ku sii qul-qulaya.

War maanta oo Jimca ah lagu daabacay Times of Malta ayaa lagu sheegay in qaxootiga Afrikaanka ah ay tiradoodu sii kordhayso ,isla markaana Jasiiradda Lampedusa ay la ciir-ciirayso Qaxooti fara badan oo meelo kala duwan ka yimaada.

Ugu danbayntii xeebaha Talyaaniga ayaa ah halka ay ku dhinteen tirade ugu badan ee tahriibayaal ah ,waxaana sanadkii hore ay dooni la dagtay tiro dhan 366 ruux ,oo u badnaa Ereteriyaan.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.