Mudane Ka Tirsan Guurtida Somaliland Oo La Sheegay Inuu Garoowe Uga Ololaynayo.
Posted by abdi on January 05 2014 22:27:28

Xildhibaan Muuse Ciise Xamari oo ka mid ah xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland ugu jira gobolka Sool ayaa la sheegay inuu magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Xildhibaan Muuse Ciise Xamari oo ka mid ah xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland ugu jira gobolka Sool ayaa la sheegay inuu magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland uga ololaynayo Cabdiraxmaan Xirsi Faarax (Uur-bayte) oo ka mid ah murashaxiinta u tartamaya jagada madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay shirgudoonka golaha Guurtida oo xaqiijinaya ujeedooyinka xildhibaan Muuse Xamari u joogo magaalada Garoowe iyo inuu wax fasaxa ka haysto golahooda, hase yeeshee ila wareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun-daloola golaha Guurtida ayaa Hargeysa Online u sheegay in xildhibaan Muuse Ciise Xamari oo aan ka soo xaadirin muddadii kalfadhigan 52aad ee goluhu ku jiro, kaas oo la sheegay inuu todobaadkii hore dabayaaqadiisii uu tagay xarunta Puntland ee Garoowe isla markaana muddo laba todobaad ah uu ku sugan yahay.

Qaar ka mid ah xubnaha golaha Guurtida ugu jira gobolka Sool ayaa la sheegay inay shalay shirgudoonka u gudbiyeen dacwad ku lid ah xildhibaan Muuse Xamari oo la sheegay inay ku eedaynayaan inuu magaalada Garoowe uga ololaynayo Cabdiraxmaan Uur-bayte oo ka mid ah murashaxiinta u loolayama jagada madaxweyne ku xigeenka Puntland, waxaanay tibaaxuhu intaas ku darayaan in xildhibaano ka tirsan Guurtida oo ka soo jeeda Sool ay olole ugu jiraan sidii goluhu xisaanada uga xayuubin lahaa xildhibaan Xamari.

Md Muuse Ciise Xamari oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanada Boocane ee gobolka Sool ayaa isagu inta badan xilliyada fasaxa goluhu ku jiro u kicitima deegaanada Boocane iyo Puntland.

Dhinaca kale xildhibaan Xamari oo aanu khadkaTilifoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino halka uu ku sugan yahay iyo asbaabta uu golihiisa uga maqan yahay ayaanay noo suurta galin inaanu khadka Telefoonka ku helno Mobile-kiisa gacanta oo xidhnaa darteed.

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.