Wadani Oo Xukuumadana Ku Eedeeyay Inay Taladii Isku Koobtay.
Posted by abdi on January 05 2014 22:36:39

Hargeysa(Hargeysa Online)Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka ay xukuumaddu u maamushay ka qaybgalka wada hadalada Somaliland iyo Somalia.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka ay xukuumaddu u maamushay ka qaybgalka wada hadalada Somaliland iyo Somalia, kaas oo dalka Turkiga dib uga furmi doona Dhawaan.

Waxa sidaasi lagu sheegay shir jaraa’id oo ay shalay si wada jir ah ugu qabteen Gudoomiyaha Gudida Siyaasada Arrimaha Dibada ee Xisbiga Wadani Dr. Maxamed Cismaan Fadal iyo Hanti dhawrka Guud Ee Xisbiga wadani Xasan Xuseen Codyare waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Dr Maxamed Cismaan Fadal, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Waxaanu doonaynaa shirkan jaraa’id ee xisbiga Wadani Maanta Qabanayo Inaanu kaga hadalo shirka Turkiga ee loo baxayo oo ku saabsan siyaasada arimaha dibada, waxa aynu wada ogsoonay in wasiirka arimaha dibada Somaliland uu xalay iclaamiyey in Somaliland ay ka qayb galayso shir Turkiga ah, waxa aynu wada ogsoonahay in shirarkaas Turkiga loo tagayo aynu wada ogsoonay in kii ugu danbeeyey doodii dheerayd ee laga galay. Xisbiga Wadani marwalba waxa uu ka hadlaa danaha dadka isaga oo matalaya shacabka reer Somaliland”.

Dr Maxamed Cismaan Fadal  oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in bulshada reer Somaliland ay xaq u leedahay in la ogeysiiyo shirarka lagaga hadlayo masiirkooda “Xaq ayay bulshadu u leedahay shirarka lagaga qayb-galayo magaceeda gaar ahaan kuwa lagaga hadlayo masiirkeeda waa inay ogaadaan shirkaas ay dawladoodu ajandaha ay la tagayso, dalkan Somaliland waa dimuq-raadiyad, dal dig-taatooriya maaha qofna jeebka kuma qaadan karo masiirkiisa, dawlada waa la doortay shirarka way ka qayb gali kartaa laakiin shirkaas ay xukuumadu ka qayb galayso miyey xisbiyada mucaaradka ah u dhanyihiin oo talo laga siiyey mise kaligeed ayaa jeebka ku shubatay”

Dhinaca kale Hanti dhawrka Guud Ee Xisbiga Wadani Xasan Xuseen Codyare oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa xukuumadda ku cambaareeyay xadhiga lagula kacay Badhasaab Ku Xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer iyo waliba Mudaharaadkii lagaga soo horjeeday Booqashadii uu Oodweyne dhawaan ku tagay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

“Sida Aad wada ogaydeen waxa maalmahanba ka taagnaa Magaalada Burco iyo Oodwayne dhibaatooyi badan oo loo-gaysanayey shacabka goboladaasi ku nool kuwaas oo cagata lamariyey loona adeegsaday ciidanka loogu tala galay argagixisada Ee RRU kuwaas oo shacabkii la dhacay xabad nool xabsigana ka buuxiyey dadkii shacabka ahaa.

taasba waxa kasii daran dadkii nabada ku hoydey oo gurigoodii loogu daatay caruurtii laga sasiyey qaarna ilaa hada ay kooma ku jiraan.

Markaas waxaanu leenahay waar dadka sida halaga daayo oo dalka haloo tudho xukuumaduna dadkii soo doortay yaanay u adeegsan awood lagu muquuniyo.

Ninkaas (Guuleed Daahir Samatar) ay ciidanku qaateen waxa uu ka mid ahaa madaxda sarsare ee xisbiga wadani waxaan la odhan  jira Guuleed Daahir Samatar horena waxa uu u ahaan jiray guddoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer  isaga oo hurda ayaa ay ciidanka RRU U daateen Habeen madowna ay qaateen markaas dadka iyo dalka haloo tudho Ayaan odhan lahaa dalkan Sidan Ha laga daayo.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.