Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Dib U Dhaca Ku Yimid Wadahadaladii Ay U Balansanaayeen Somalia.
Posted by abdi on January 06 2014 17:44:09

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in dib u dhaca ku yimid wadahadalo ay yeeshaan Somaliland iyo Somalia ay keentay codsi uga yimid dawlada Somalia


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in dib u dhaca ku yimid wadahadalo ay yeeshaan Somaliland iyo Somalia ay keentay codsi uga yimid dawlada Somalia oo ay kaga dalbadeen in dib loo dhigo xiliga ay dhacayaan wada hadaladu.

Mr Biixi ayaa intaa ku daray inuu la soo xidhiidhay madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ka codsaday inay dib ugu dhigaan wada-hadaladii loo balansanaa ilaa 15-ka bishan January.

Wasiirka khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sidaasi ku sheegay mar uu shalay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa ugu waramayey warbaahinta dalka, kaas oo kaga hadlay arrimo door ah, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxay ahayd inay bilaabmaan toddobaadka soo socda Wadahadalladii oo aanu maanta ahaan baxno weftigii Somaliland oo aanu Turkiga tagno, lana kulano weftiga Xamar ka imanayey, laakiin waxa xalay nala soo xidhiidhay Madaxwaynaha iyo dawladda Soomaaliya oo naga codsaday inaanu dib u dhigno, maadaama oo aan la ansixina xukuumaddii, hadday yimaaddaana aanay sharci ku joogayn Wadahadallada”.Wasiir Biixi Yoonis isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya xiliga ay u balameen inay dib u bilaabaan wada-hadaladaasi, waxa uu yidhi “Arrintaasi waanu garowsanay oo waanu ka caqbalnay inaanu dib u dhigno, waxayna ku taliyeen inaanu 15-ka bisha ka dhigno, markaa annaguna waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu war ku celino oo aanu u sheegno maalinta munaasibadka ku ah oo aanu shirka qabano.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.