Sarkaal sare oo qiray in xiriir qarsoon uu ka dhaxeeyo dowladda somaliya iyo Al-Shabaab.
Posted by abdi on January 06 2014 18:12:48

Waxaa soo baxaya dhaliilo loo jeedinaayo saraakiisha iyo abaandulayaasha ciidamada dowladda, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay wax badan ka qaban arrimaha ammaanka.


Extended News

Waxaa soo baxaya dhaliilo loo jeedinaayo saraakiisha iyo abaandulayaasha ciidamada dowladda, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay wax badan ka qaban arrimaha ammaanka.

Cumar Suleymaan waxa uu ka mid ahaa saraakiishii horre ee nabad-sugida dowladii millitariga, isagoo ku nool magaalada London ee dalka Ingiriiska ayuu sheegay saraakiisha ciidamada dowladda ee hadda shaqeeya ay yihiin kuwa calooshood u shaqeestayaal ah oo xiriir la leh Al-Shabaab isla markaana aan u qalmin xilalka loo dhiibay.

Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in saraakiisha nabad sugida, booliska iyo kuwa militariga ay xiriir la lee yihiin Al-Shabaab. Waxa uu ku caddeeyay markii uu arkay qaraxyo iyo falal ammaanka ka dhan ah oo ka dhacay Muqdisho aan waxbo laga qaban oo isbadal uu ku imaanin.


Cumar Suleymaan ayaa madaxda dowladda ugu baaqay in si dedeg ah isbadal ay ugu sameeyaan saraakiisha hey’addaha ammaanka, iyadoo cidda la shaqeysa Al-Shabaab la soo bandhigaayo, haddii aan sidaas la sameen wuxuu sheegay in ammaanka Muqdisho uu ka sii dari doono.

“Waxaan la yaabay siddee Al-Shabaab ay ku ogaataa in wafdi dowladda uu ku jeedo safar dhinaca dhulka taasii waxa ay muujineysaa in saraakiisha nabad sugida, booliska iyo milltariga oo la rabay in ay adkeeyaan sirta dowladda ay siiyaan Al-Shabaab” ayuu yiri.

Wuxuu xusay markii uu ka mid ah saraakiisii hey’adda nabad sugida in qofka lagu arko isagoo dusinaya sirta dowladda in la loo taagan jiray ayuu yiri.

Ugu dambeyn waxa uu madaxweynaha iyo ra’isal wasaaraha ka codsaday in ammaanka magaalada Muqdisho lagala tashado saraakiishii horre oo wax badan xog ogaal u ahaa.