Shirkii Uu Madaxwayne Ku Xigeenku Iclaamiyey oo maxamed kaahin Ku Tilmaamay Shirqool.
Posted by abdi on January 07 2014 17:50:08

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbul-xaakimka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa deedefeeyey warqad uu madaxwayne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Saylici iskugu yeedhay guddida fulinta.


Extended News

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbul-xaakimka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa deedefeeyey warqad uu madaxwayne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Saylici iskugu yeedhay guddida fulinta xisbigaasi, kuwaas oo uu faray inay shalay galabnimadii iskugu yimaadaan gurigiisa xaafada shacabka ee magaaladda Hargeysa.

Maxamed Kaahin waxa uu yeedhmada Madaxwayne ku xigeenka ku tilmaamay in lagu wiiqayo qaban-qaabadda shirwaynaha Kulmiye oo uu sheegay inay si habsami ah u socoto, isla markaana uu qabsoomi doono wakhtigii loo qorsheeyey oo ah 21-ka bishan January ee sanadkan.

Sidaas waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, kaas oo nuqul mid ah uu soo gaadhsiiyey Hargeysa Online, isaga oo dhamaystirana u dhignaa sidan:- “Shirweynaha 3aad ee xisbigha KULMIYE waxa uu ku mudaysanyahay 21/01/2014, hawshii shirweynaha  waxa gacanta ku haya Gudiga Qabanqaabada ee loo xilsaaray diyaarinta iyo abaabulka shirweynaha, waxaanna u qabsoomay guddiga:

1. In la doortay Guddoonkii Guddiga oo kala ah;

Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeenno, xoghaye iyo Afhayeen

2. Waxay diyaariyeen xeer-hoosaadkii hagayey hawlaha Guddiga

3. Waxay magacaabeen Guddi-hoosaadyadii u xilsaarnaa hawlaha kala duwan ee Qabanqaabada

4. Waxay diyaariyeen qorshe hawleedkii (Work Plan) guddigu ku shaqaynlahaayeen.

Hawlahaas oo dhammaan ay guddiga Qabanqaabadu si madaxbannaana u fuliyeen, sidaa darteed, hawlihii Qabanqaabada shirweynuhu waxay u socdaan si habsami ah, shirweynuhuna waxa uu qabsoomayaa muddadii loogu talogalay sida uu dhigayo xeerka xisbiga KULMIYE.

Fadhiyada Guddiga fulinta xisbiga waxa isugu yeedhi kara Guddoomiyaha xisbiga, ajandeyaasha Guddigana waxa diyaarinaya Xoghayaha Guud ee Xisbiga.

Sidaa darteed, warqada uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland isugu yeedhayo Guddiga Fulinta ee waliba uu ugu yeedhayo gurigiisa uu ku noolyahay, waxa ay baalmarsantahay sharciga iyo hab-dhaqanka xisbiga.

Arrintaasina waxay muujinaysaa shir gaar ah oo lagu wiiqayo habsami-u-socodka  hawlaha qabashada shirweynaha xisbiga, kaas oo  ka gudbay marxalado badan oo hore.

Xubnaha Gudiga Fulintana waxa lagu wargalinayaa in aan shirkaasi waxba jirin.

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.