Nin Somali oo la sheegay in uu qaboow ugu geeriyooday dalka Norway.
Posted by xaaji on January 11 2014 14:28:11

Wiil Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Nuur Cabdulaahi Aadan ayaa Kaamkii uu ku jiray ka baxsaday ka dib markii diidmo la siiyay.


Extended News

Wiil Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Nuur Cabdulaahi Aadan ayaa Kaamkii uu ku jiray ka baxsaday ka dib markii diidmo la siiyay, wiilkaan ayaa sharciga dalka Norway sugayay ku dhawaad mudo 3 sanadood ah,Kaamka uu dhibka ka dhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa NYSTOLEN wuxuuna ku yaalaa magaalada ETNEDAL ee Dalka Norway.

Wiilkaan oo la sheegay inuu isku dhex buuqay ayaa xili uu jiray qaboow daran iyo baraf wuxuu dhoor maalmood ku dhex lugeenayay dhul cidlo ah oo aad u fog inkastoo markii hore la soo helay Kabihiisa waxaana ugu dambeeyntii la soo heelay raqda Meydkiisa ka dib markii ay raadintiisa ka qeeyb qaateen Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helikoptarada.

Dadkii la degnaa Nuur Cabdulaahi Aadan gaar ahaan Soomaalidii taqaanay ayaa aad uga naxay dhibka qabsaday muwaadinkaan Soomaaliyeed oo intii aan diidmada la siin ahaa ruux caafimaad qaba.

Soomaali badan oo Sharci aanan ku heeysan dalalka Yurub ayaa nafsadooda halis galiya marka la siiyo diidmada maadaama imaanshaha Qaarada Yurub ay qarash iyo lacag aad fara badan ku soo bixiyeen .

HargeysaOnline.Net