Jaamacadda Admas Oo Xaflad Balaadhan Ku Daah-Furtay Qaybta Waxbarashada Online-Ka.
Posted by abdi on January 16 2014 18:13:29

Jaacadda Admas University College ayaa xaflad balaadhan ku daah-furtay koorasyo cusub oo lagu soo kordhiyey Jaamacada laguna dhigan doono international Online Course .


Extended News

Jaacadda Admas University College ayaa xaflad balaadhan ku daah-furtay koorasyo cusub oo lagu soo kordhiyey Jaamacada laguna dhigan doono international Online Course of Lubeck University of Applied Sceinces, munaasibad balaadhan oo si qurux badan looga soo shaqeeyey isla markaana si weyn loogu faaqiday arrimahaasi ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargreysa.

 


Munaasibadda xafladdaasi waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxaam Saylicli, wasiirka xidhiidhka Golayaasha iyo Technology-yadda, agaasimaha tacaliinta sare ee wasaaradda waxbarashada, Gudoomiyaha Boodhka sare ee Jaamacadda Cadnaan Daahir Cade, Madaxweynaha Jaamacadda Ixsaan Cumar Ismaaciil, ardayda, maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda, sarkaal sare oo ka socday Jaamacadda Lubeck University Professor Burhanu oo takhasus gaara u leh cilmiga iyo saraakiil kale oo ka socotay xukuumadda Somalilad iyo qaynbaha kale ee bulshada reer Somaliland.

Xoghayaha Dawladda Hoose Mawliid Waris, wasiirkii hore ee arrmaha gudaha ee Dawladdii Daahir Riyaale Kaalin, Mr Ismaaciil Aadan Cismaan, Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Waabeeye  ayaa kamid ahaa marti sharaftii madasha xafladdaasi ka soo qaybgashay.

Furitaankii xafladdaasi kahor intii aanay khudbaduhu madasha ka bilaabmin waxaa halkaa lala sare joogsaday salaanta heesta calanka Somaliland taas oo la arkayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo masuuliyiinta Jaamacadda Admas oo laabta gacmaha ku wadahaya salaanta calanka Somaliland.

Gudoomiyaha boodhka Jaamacadda Admas faraceeda Somaliland Axmed Daahir Cadnaan oo xafladda ka hadlay waxa uu sheegay inay farxad u tahay ka Jaamacad ahaan inay heleen ogolaanshaha Jaamacadda caalamiga ah ee Lubeck University taas ooculuumteeda caalamiga ah lagu bixin doono Admas University “Waxaa caawa farxad noo ah inuu caawa xafladdan inala fadhiyaan macalimiintii wax ka dhigi lahaa Course-yadan cusub ee caalamiga ah ee Lubeck University” ayuu yidhi Gudoomiyaha Boodhka Jaamacadda Admas Axmed Daahir Cadnaan.

Dhanka kalana waxa uu sheegay Gudoomiye Cadnaan inay dhawaan Somaliland iman doonaan macalimiin kale oo u dhashay dalka Jarmalka kuwaas oo si hordhac ah hadda Somaliland ugu soo diray Professor Burhano bale waxyar uun ka dib la filayo  inay soo gaadhi doonaan Hargeysa “Professor Burhanu wuxuu ii sheegay inay Professor-radii kale ku yidhaadeen hadaad adigu tagto Somaliland oo aad ka soo laabato waxaa ballan nagu ah inaanu annaguna tagidoono dhawaan” ayuu yidhi Cadnaan Daahir.

Agaasimaha tacliinta sare Khadar Axmed Diiriye oo isaguna madashaa ka hadlay waxa uu Jaamacadda Admas ku aamay dadaalkeeda farahabadan wuxuuna uga mahad celiyey inay dadaalkeedii hore ku soo dartay inay dalka keentay qaybkamida aqoosnigii Somaliland “Jaamamcadda Admas waxaanu uga mahad celinaynaa inay dadaalkeedii hore iyo tayadii tacliinteeda ku so kordhisay inay inoo keentay ictiraafkii qaybkamida” ayuu  yidhi Mr Diirye.

“aniga qudhayduna waxaan codsan lahaa inaad igu soo dartaan qaybta leadership-ka ee course-yadan cusub ee aad hadda bilaabaysaan” ayuu yidhi Khadar Axmed Diiriye,Waxaa isaguna halkaa ka hadlay isla markaana daraasaad qiimo badan oo la xidhiidha culuumta lagu dhigidoono qaybta Online-ka ee xidhiidhka fogg ee afka qalaad lagu yidhaado distance learning,Professor Burhanu waxa uu sheegay inay faraxad weyn u tahay isaga iyo Jaamacadda u matalayo ee Lubeck University labadaba inuu yimaado Hargeysa.

Professor Burhanu oo u dhashay dalkaasi Ethiopia balse waxbadan cimrigiisa ku soo qaatay macalinimada iyo jaamacadda Lubeck ee uu wax ka dhigo waxa uu sheegay inay Jaamcadda Lubeck kamid tahay Jaamacadaha ugu qaalisan dalkaasi Jarmalka iyo guud ahaanba dunida oo dhan “Lubeck University waxay kamid tahay Jaamacadaha ugu qaalisan dunida looguna jecelyahay wax barashadeeda” ayuu yidhi Professor Burhanu.

Dhanka kalana Professor Burhanu waxa uu macluumaadkiisa waxbarasho ee uu haddhaw ku baridoono ardayda  nasiibka u yeelandoonta inay noqdaan kuwa u gu horeeya ee isku diiwaan galiya inay dhigtaan Course-yada caalamiga ah ee lagu baran doono Jaamacadda Lubeck University ee dalkaasi Jarmalka waddamada kale ee caalamka ee ay Jaamacadda Lubeck xidhiidhka laleedahay iyo calamadooda astaanta gaarka ah u ah ee u dal waliba dalka kale kaga duwan yahay “sida aad halkaa ku arkaysaan Calamaantaasi faraha badani waxay u taagan yihiin waddamada caalamka ee ay Jaamacadda Lubeck University xidhiidhka wax barashada la leedahay” ayuu yidhi Professor Burhanu.

“fariintayda caawa aan halkan kalatagidoono waxaan ula noqon doonaa dalkayga Jarmany markaan dib ugu laabto” ayuu yidhi Professor Burhanu,waxaa isaguna madashaa ka hadlay Aadan Axmed Warsame wasiirka xidhiidhka Golayaasha iyo Technology-yadda casirga ah waxaanu amaanay jaamacadda Admas waxaanu cod-baahiyaha ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Mr Saylici waxaanu ka warramay dareenkiisa ku aadan  munaasibadan qaaliga ah  iyo kaalinta ay Jaamacadda Admas kaga jirto ictiraaf raadinta Somaliland.

“sidii uu horeyba u sheegay agaasimaha tacliinta sare Khadar Axmed Diiriye waxaan kufaraxsanahay  Jaamacadda Admas iyo dadaalkeedii faraha badnaa inuu dhalay inay caawa culuumtii Jarlamka loo doonan lahaa inoogu  keeneen Guryeheena” ayuu  yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somalilad Mr Saylici,waxaanu sidoo kale Jaamacada Admas ku bogaadiyey inay dadaal badan ugu jirtay kobcinta arrimaha tacliinta sare balse ay haddana ku darsatay inay qayb ka qaadato Ictiraafkii ay Somaliland raadinaysay “Jaamacadda Admas way ku mahd santahay inay nagala qayb qaadanayso raadinta aqoonsiga Somaliland waayo Professor-kii hadlayey [Burhanu] waad maqlayseen inuu carabka ku badinayey Hargerysa iyo Somaliland’ ayuu yidhi Mr Saylici.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.