Xildhibaan Ka Tirsan Aqalka Odayaasha Oo Labada Beelood Ee Colaadu Ku Dhexmartay.
Posted by abdi on January 17 2014 21:45:19

Hargeysa(Hargeysa Online)Xildhibaan Xasan Cumar Axmed (Xasan Dhoore) oo ka mid ah xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ugu jira gobolka Sool ayaa labada beelood ee dhawaan colaadu ku dhexmartay.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Xildhibaan Xasan Cumar Axmed (Xasan Dhoore) oo ka mid ah xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ugu jira gobolka Sool ayaa labada beelood ee dhawaan colaadu ku dhexmartay deegaanada Docmo ee galbeedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi ugu baaqay inay ka midho dhaliyaan heshiiska nabadeed ee ay ka gaadheen iska horimaadkii dhimashada keenay ee dhexmaray labada beelood.

Xildhibaan Xasan Dhoore oo shalay Hargeysa Online xogwaran kooban siiyay ayaa isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Colaadaasi markii hore waxay ka dhacday nin la dilay, waxaanu maqalnay laysku dhaariyey dadkii ku dhintayna Alle haw naxariisto.

Waxaanu leenahay labadiina beelood ee walaalaha ah cid idinka isku kiin dhaantaa ma jirto, idinkaa isku deegaan ah, dadka ceel ka wada cabaana iyagaa cid walba iska xiga biyahay wada cabaan, waxaanu idin leenahay intii gacma shisheeye oo qori dable idin kala dhex dhigi lahayd idiin iman lahayd idinku dhexdiina heshiiya oo nabadgalyadiina ka shaqeeya, cidii dhimatayna waa laga wada hadli doonaa ee inta nool ha loo taliyo, ceel kastaba waxa wada jooga laba nin oo ka soo kala jeeda labada beelood”

Xildhibaanku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Waxaan ugu mahadnaqayaa labada beelood sida ay maalintii labaadba nabada uga qaateen colaadii dhacday, waxaan leeyahay bisayl baad muujiseen ee nabada si xoojiya”

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.