War Deg deg ah: Madaxwayne Siilaanyo oo Xilkii ka Qaaday Badhasaabka Gobolka Gabiley mid Cusubna u Magacaabay.
Posted by xaaji on May 24 2011 19:27:38

Madaxwayne Siilaanyo ayaa Maanta Xilkii ka qaaday Badhasaabka Gobolka Gabiley Rashiid Cumar Sheek ka dib markii Duqayda iyo Waxgaradka Gabiley.


Extended News

Madaxwayne Siilaanyo ayaa Maanta Xilkii ka qaaday Badhasaabka Gobolka Gabiley Rashiid Cumar Sheek ka dib markii Duqayda iyo Waxgaradka Gabiley ay ka dalbadeen in laga Badalo Badhsaabka oo ay ku eedaynayeen Khilaafka Gobolka Gabiley ka jiray tan iyo intii ay xukuumada Cusub xilka la wareegtay.

Ma jiro War Rasmi ah oo ka soo baxay Madaxwaynaha Balse ilo ku dhawdhaw Madaxtooyada Somaliland , isla markaana loo Magacaabay Cali Aw Aadan Meecaad oo ka mid ah Qurba jooga reer somaliland.

Xilka Qaadistan ayaa la filayaa in ay Xal u noqoto Khilaaf ba,an oo baryahan danbe ka taagnaa Gabiley oo u dhexeeyay Maamulka Degmada iyo Gobolka taasi oo ay Duqayda iyo Madaxdhaqameedkuna Dhawr jeer dacwad u gudbiyeen Madaxwaynaha balse kama danbaystii laga Aqbalay. 

 

Mukhtaar cabdi Cilmi.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

HargeysaOnline.Net