Maxaa Iga galey Dan yare!.
Posted by ifraax on February 11 2014 10:30:58

Dawlada Siilaanyo ma dhaafto agagaarka madaxtooyada iyo agagaarka xafiisayada dawlada ilaa faras magaalaha Waa inta ugu buuqa badan guud ahaan dalka.


Extended News

Dawlada Siilaanyo ma dhaafto agagaarka madaxtooyada iyo agagaarka xafiisayada dawlada ilaa faras magaalaha. Waa inta ugu buuqa badan guud ahaan dalka. Waa halka lagu kala boobo hantida qaranka ee ummadda dan yarta ah ee shaqo iyo biyo la’aanta la daalaadhacaysa laga soo qaado. Hantidaa oo loogu sheego cashuur dalka wax loogu qabanayo, haseyeeshee waxay ku baxdaa isriix-riixa u dhexeeya xukuumadda,laaluush iyo ku takri falida dano gaar ahaaneed. Dhagaha iyo indhaha xukuummadu ma maqlaan mana arkaan waxa ka dhacaya daafaha magaalada Hargeysa iska daa dalka intiisa kale oo. Hal mayl ama ka yar dhinac kasta haddii ad madaxtooyada uga baxdo, waxad maqleysaa sheekooyin naxdin iyo calool xumo badan oo ka turjumaaya xaqiiqada iyo dareenka dadweynaha darxumada iyo biyo la’aanta la il daran. SIDA TAN OO KALE: SAAFI: Badda anigaa macaaneyn, guri kasta sannadka hore Ee xilka haddii aad I doorataan guri kastaa biyo qasabadeed buu ka cabbi doonaa! Alla….Alla…… Been miyaa xarago iyo mansab lagu raadiyaa.! ASLI: Walaaley, waan arkaa in aad kaligaa isla hadleysid oo Dhib kuguma yara e; bal ii waran, maxaa kugu soo kordey? Maxaan kula qabtaa oo ku gubaaya? SAAFI: walaaley, waxan aroornimadii u kalahay magaalada bal in wax an dabka u Saaro reerka uga raadiyo ileen qof kaliya shaqo u kalaa naguma jiro e; Saacadan baan soo joosadey iyada oo goror biyo ahiba jirin booyadiina mar Horeba ka baxdey xaafadda. Markaas baan dib u Xasuustey barwaaqadii iyo balamahii faraha badnaa ee dawladii an dooraney noo sheegi jireen halkey martey. Ma annagaa wax ma gartayaal ah, Mise been baa la naga iibinaayey? ASLI: Walaal dadkaa waalan! Waayo, Imisaa dagaal iyo olole beenaad ina gasheen oo aan dad iyo duunyaba ku weyney, imisaa ku Curyaantey oo suuqyada daadsan oo aan cidi hoos u eegin. Miyaan kuwii durbaanka inoo tumaayey kaligood suxulada subaga ka leefayaan; Waliba ku darsoo, iyagiiba loolan adag dhexdooda ku jira oo rabo In dagaal hunguri oo reereysan ina galiyaan mar kale oo Gaajada, Darxumada iyo Haraadka inoogu daraan Nabad gelyo daro, Qax iyo Eedaad kale, sida wax u socdaan maalmahan. SAAFI: Naa maxaa tidhi, DAGAAL sokeeey aaaa: Haddii aan ogahey; In Dawlad waartaba dan laga laheyn Haddii aan ogahey; In damaciinu daneysi gaara uu ahaa Haddii aan ogahey; In dan ummadeed loo dagaalameyn Haddii aan ogahey; In damiirkiinu doolar dhaafsaneyn Haddii aan ogahey; In aydaan dastuur iyo diintaba xeerineyn Haddii aan ogahey; In walaalnimo daacad ahi aaney jirin Haddii aan ogahey; In agoomaha iyo Naafadaba loo diir naxeyn Haddii aan ogahey; In kala doca doceyn aad wadeen Haddii aan ogahey; In aad reerba daan furtaan rabteen Haddii aan ogahey; In dabka la kala qaadan dooneyseen Haddii aan ogahey; In Sad bursiimo midiyaha isugu heysataan Haddii aan ogahey; in aydaan dabkaba dhigeyn Haddii aan ogahey; In da’yarta iyo dumarkuba darxumoonayaan Haddii aan goahey; In dulmi mooyee caddaaladi jireyn Haddii aan ogahey; In qasdiguba ahaa maxaa iga galey dan yare Haddii aan ogahey; In dawan iyo durbaan beena noo tunteen Dacaayad iyo buunbuunis aad waddeen Dabnaha iyo labada daan dhaafsaneyn Ma waayeen diricyadaan dhaliyo geesiyadii naftooda hurey Ma waayeen agoonteyda Aabahood Ma waayeen duunyadaan lunshee dawladnimo ku gaadh lahaa Ma waayeen xoola iyo waxaan daar laheyn Ma waayeen Dahab iyo wixii maal ii keydsanaa Ee dawlad iyo dal xoreynta aan u hurey Ilaaha weynee xaakimkaan Xaqayagaad na duudsideen Kaligiin ku daneysateen, Dukaamada ka buuxsateen Eebaa caadiloo u gargaarin daalimka e Isagaan magan tiisa nahey! Allaa Mahad leh.



Qoraaga caanka ah Abdi Geireh ageereh@yahoo.com