Khilaafka Kulmiye oo Curyaamiyey Hawlihii Qaranka.
Posted by abdi on February 12 2014 11:54:37

Hargeysa(Hargeysa Online) Afhayeenka Difaacayaasha Madaxabanaan Ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bulaale.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Afhayeenka Difaacayaasha Madaxabanaan Ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bulaale ayaa war-saxaafadeed uu warbaahinta siiyey ku tilmaamay macluumaad ay ka soo ururiyeen adeegyada xukuumaddu u hayso bulshada in uu ragaadiyey khilaafka Xisbiga Kulmiye.
Saleebaan Bulaale waxa uu warbixintiisa ku sheegay khilaafka Xisbiga Kulmiye in uu abuuray khilaafka Golaha Wakiiladda ka dhex taagan isla markaana khilaafaadkaasi ay u adeegeen cadawga Somaliland.
War-sxaaafadeedka uu soo saaray Afhayeenka Difaacayaasha Madaxabanaan Ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bullaale waxa uu u dhignaa sidan:-
Saamaynta xun ee nidaamka dawladnimo doorashooyinka uu ku leeyahay khilaafka xisbiga kulmiye dhexdiisu
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay u arkaan mushkilad qaran khilaafka ka jira gudaha xisbul xaakimka Somaliland ee KULMIYE ilaa xad waxanu dareensanahay in khilaafka Xisbiga KULMIYE uu caqabad wayn ku yahay socodsiinta hawlaha qaran ee ay Xukuumada dalku qaranka u hayso iyadoo dalku marayo marxalad xaasaasi ah oo u baahan in nidaamka dawladnimo uu si buuxda u shaqeeyo ayaa khilaafka KULMIYE oo gaadha in uu markasta dibada iyo warbaahinta u soo baxo taasi oo curyaamin karta habsami u socodka hawlaha qaranka.
Sidoo kale waxa uu gaadhay in uu markii ugu horaysay Khilaafka Xisbiga KULMIYE fursado siiyo cadowga Somaliland iyo in Wakiiladii Somaliland meel mariyaan Mooshino dhabarjab ku ah qaranimada Somaliland.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay ugu baaqayaan Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mud. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwaynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo” in ay sida ugu dhaqsaha badan u
qaadaan talaabooyin degdeg ah oo lagu soo afjarayo Khilaafka Xisbiga KULMIYE ragaadiyay oo haddii xal kama dambays ah ay u heli waayaan saamayn fool xun ku leh qaranka Somaliland.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.