Golaha Wakiiladda oo guddi u saaray xalinta khilaafkooda.
Posted by abdi on February 12 2014 12:02:09

labada garab ee Golaha wakiiladda oo laba guddi u saaray xalka khilaafkooda ka dhashay Xeer hoosaadkooda ayaa Ergadii dhex dhexaadinta ee Golaha Guurtidda.


Extended News

labada garab ee Golaha wakiiladda oo laba guddi u saaray xalka khilaafkooda ka dhashay Xeer hoosaadkooda ayaa Ergadii dhex dhexaadinta ee Golaha Guurtidda ka dalbaday in kulankooda koowaad fursad loo siiyo in ay toos u wadahadlaan Odayaashuna dusha kala socdaan.

Kulan shalay shirguddoonka iyo labada Guddi ku yeesheen Golaha wakiiladda ayaa la iskula qaatay kulankooda koowaad oo maanta dhici doona in loo kala baxo labadooda guddi si ay iskula soo dhaweeyaan wixii caqabad ah ee ay isla meel dhigi karaan, haddii ay xaliyi kari waayaana u bandhigaan Guurtidda.

Kulanka maanta ayaa la filayaa in labada Guddi ee labada dhinac ka kala socotaa miiska soo dhigi doonaan qoddobada ay isku hayaan isla markaana qolo kastaa waxay dhinaceeda u sharixi doontaa Doodeeda iyagoo u eegi doona Xeer hoosaadkoodii hore iyo ka cusub ee khilaafku ka dhashay wixii ay ku saxayaan khilaafka dhex yaala.

Lama oga labada kooxood mid ka uu ajandahoodu guulaysan doono hase yeeshee waxay u muuqataa in ay muujin doonaan xilkasnimo ay kaga maarmaan faragalin iyo dhex dhexaadin kaga timaada Dibeda, waxaanay labada dhinac u saareen afar iyo tobankan xubnood oo shalayba isla eegay halka ay ka bilaabi doonaan maanta.

XISBIGA WADANI:

1- Xil Ibraahim Mahdi Buubaa,

2- Xil Maxamed Saalax Cige,

3- Xil Saleebaan Cali Koore,

4- Xil Maxamed Cali Xirsi “Obama”

5- Xil Ibraahim Jaamac Cali “Rayte”

6- Xil C/qaadir Jibriil Tukaale,

7- Xil Siciid Cilmi Rooble.

XISBIGA KULMIYE:

1- Xil Saleebaan Cawed Cali “Bukhaari”,

2- Xil , C/raxmaan Cismaan Caalin, “ C/raxmaan Dheere,

3- Xil C/raxmaan Maxamed Jaamac “Loyar”, 

4- Xil Maxamuud Obsiiye,

5- Xil Ibraahim Caraale Cabdi “ Ruush”,

6- Xil Axmed Cabdi Kijaandhe,

7- Cali Axmed Diiriye “Cali Gebiley”


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.