Dhismaha Wajigii Labaad ee Madaarka Hargeysa la Dhagax-dhigay.
Posted by xaaji on February 17 2014 17:53:59

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dhagax dhigay wejiga labaad ee dhismaha Dhabaha diyaaradaha.


Extended News

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dhagax dhigay wejiga labaad ee dhismaha Dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ama soo fadhiistaan ee Madaarka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal.

Munaasibadan waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka Hawlaha guud, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Maxamed Muuse Abees, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadam iyo masuuliyiin ka socday hay’adda Kuwait Fund oo mashruucan maamulaysa.

“Mashruucan cusub ee uu Madaxwayne ku xigeenka Somaliland maanta dhagax dhigay waxa uu ka kooban yahay 1,410Mt, oo aynu ku darayno Dhabihii hore oo ka koobnaa 2,466Mt, ee la dhisay 1958-kii, oo aynu ku samaynay adkayn, markaa mashruucani waa 1,410Mt oo dherer ah, 45Mt oo Balaca, mashruucani wuu ka hawl badan yahay mashruucii hore, waayo mashruucii hore aasaaska dhabihii hore ee Ingiriisku wixii burburay ee dhagaxa iyo sibidhka ahaa ee burburay dib-baa loo kabay, laba lakabna waala saaray, laakiin kan aasaas cusub-baa loo samaynayaa, laba lakabna waa loo samaynayaa sida kii hore”ayuu yidhi wasiirka duulista hawadda Maxamuud Xaashi oo ka warbixinayey wejiga labaad ee balaadhinta madaarka Hargeysa ee dalka Kuwayd ugu deeqay.

“Anniga iyo Madaxwaynaha Md. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa farxad noo ah inaanu maanta dhagax dhignay wejigii labaad ee dhismaha Madaarka Cigaal, oo aanu muddo ku hamiyeynay inay madaarkani noqdo mid caalamiya oo u dhigna Magaca halyeygii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee uu Magaciisa wato, noqdana madaar u dhigma ama la tartama madaarka Geeska Afrika”ayuu yidhi madaxweyne Saylici oo ka hadlayey wejiga labaad ee madaarka Hargeysa oo maanta la dhagax dhigay.

Waxaanu intaas ku daray “waxaanuna ku rejo-weynahay inay sidii hore si ka dhaqso badan u qabsoomi doono, iyadoo ay taalo warshaddii isku laaqayay jayga iyo daamurka, markaa indhaha caafimaadka qabaa waxay arkayaan isbedalka ku yimid madaarada iyo guud ahaan dalka, waxaanan leeyahay dalkani in dib loo dhiso ayuu u dhaqaaqay, Gaalladuna waxay ku maahmaahdaa safarku wuu dhaqaaqay ee Eyduna ha iska ciddo”

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay saraakiil ka socda hay’adda reer Kuwayd ee maalgalisay madaarka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasibadda dhagax dhiga wejiga labaad ee madaarka Hargeysa lagu balaadhinayo.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

2014217635281949261528763img_0047.jpg

2014217635281949860453922img_0042.jpg

2014217635281952672485870img_0072.jpg

2014217635281953745003577img_0052.jpg

2014217635281954100868032img_0055.jpg

2014217635281954767442068img_0099.jpg