Maareeyaha Wakalaada Wadooyinka Oo Ka Hadlay Qalabka Dalka La Keenay.
Posted by xaaji on February 21 2014 21:32:12

Mareeyaha Wakaladda Hormarinta Waddooyink, Xassan Cali Cismaan oo ka warbixiyey qalabka cusub ee ay dalka keeneen iyo kormeerka Madaxwaynaha Siilaayo ku gaalaabixiyey qalabka loogu tala galay.


Extended News

Mareeyaha Wakaladda Hormarinta Waddooyink, Xassan Cali Cismaan oo ka warbixiyey qalabka cusub ee ay dalka keeneen iyo kormeerka Madaxwaynaha Siilaayo ku gaalaabixiyey qalabka loogu tala galay Wadadda isku xidhaysa  Ceerigaaba ilaa Burco ayaa sheegay in qalabkaasi hawshii loogu talo galay lagu isticmaalayo.


 “Horta sidaad arkaysaan xafiiskayga ka muuqata dhaamaan dadkii na soo booqaday  ka muuqata naga wajiyaga ka muuqata maanta waa faraxad wayn oo aan la qiyaasi Karin noo ah booqasho iyo indho indhaynta Madaxwaynah Jamhuuriyadda Somaaliland Mudane Axmed Siilaayo isagoo soo booqday runtii inuu soo indha indheeya uu yimid qalabka cusub ee dalka yimid qalabka sidaad arkay wuxuu ka kooban yahay inta imikaba taala waxa sidaad aragtan waxa yaala (sedax iyo taban shay 13) qaarkood way soo socodaan qaarna waxay yaalaan Kala-Baydh qaarna way soo socadaan oo badda ayay ku soo jiraan.

Waxanaan rajaynaya Qalabkaasi marka uu soo dhamaystirmo in hawlah Mashraacida Hormarinta Wadooyinka  Somaaliland ilaahay mahadi ka gaadho  inay bilaamaan sii fiican rasmi  oo wax ku ool ah markaa ilaahay mahad naqo ka diba ta hore iyo tan dambe wax mudan in loo mahad naqo  Xukuumadeena uu Hogaamiyaha ka yahay Axmed Siilaayo shucuurtiisa ama firkiisa ku aadan yahay ina dalka laga bilaabo wakhtigii hormarineed.

Waxaan jecelahayn inaan mahad wayn uga celiyo Wasiirka Madaxtooyda oo isagu hadh iyo habeen aan ka seex runtii wax qabadka wadooyinka somaaliland ama hormarinta wakaaladda wadooyinka siday u horamarin lahayd siday horay uu socon lahayd siday dalka wax uug dari lahayd kana joogsan oo runtii yahay nin arko aragti  dheer leh oo sida wadan loo hormarin lahaa aad ugu hawlan anigu shaqsi ahaan aragti aan ka qab hawshaasi waxa weeye wax wayn ku soo kordhin doono qalabkaasi hordhicisa yaalo wax wayn ku soo kordhin doon hormarka dalka Somaliland dadka aan jecelayn hormarka wadanka runtii ku tahay waran ku dhacay maanta xaqiiqadii baa in dhah timid in dhah ku aragnaa xaqiiqadii timid wiixii la sheegayey waxba ka jirin la yidhi beeni raad ma leh way soo gaabta beentii shalay ay qortay Warbaahinta Maxalig ah Mareeyihii ayaa la waayey waa la raadinayaa maantan waa lay helay qalabkiina wuu joogaa anigu waan jooggaa layma waayin ma lumin dadkag iyo dalkayg ayaan shaqo ugu maqnaa wixii aan soo  qabtay waa taa halka taala qalabkii aanu soo iibinayn  lacagta Waxa bixisay  Dawladda Somaliland oo ku jirtay Miisaaniyadda Qaranka

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.