Gud. Ku Xigeenka Wadani Oo Kulamo Uu Ku Kasbanayo Madaxda Dhaqanka Awdal Qaarkood Ka Bilaabay Boorama.
Posted by abdi on February 25 2014 00:23:21

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed ayaa mudooyinkan dambe kulamo la qaadanayay duqayda iyo waxgarad ka soo jeeda Beelo ka mid ah beelihii aan taageeri jirin xisbiga Wadani.


Extended News

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed ayaa mudooyinkan dambe kulamo la qaadanayay duqayda iyo waxgarad ka soo jeeda Beelo ka mid ah beelihii aan taageeri jirin xisbiga Wadani, taas oo gudoomiye ku xigeenku taageero iyo inay ku soo biiraan xisbiga Wadani uu ugu ololaynayo kulanadaan.

Kulanadan dhexmaray gudoomiye ku xigeenka Wadani Axmed Muumin Seed iyo Madaxda dhaqanka ayaa ka dhacay Hutelka RAYS ee magaalada Boorama, ka dib markii gudoomiye ku xigeenku martiqaad heer sare ah u fidiyay ku dhawaad 50 qof oo iskugu jiray madaxdhaqameedo, Aqoonyahan iyo siyaasiyiin, taas oo loo malaynayo inay xubnahaasi doonayaan inay ku soo biraan dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee xisbigu ku raadinayo inuu kasbado taageerayaal mug leh si uu u hanto hogaanka dalka.

Hadaba inkasta oo aanay warbaahintu goobjoog ka ahayn kulanadan labada dhinac, hadana Qaar ka mid ah Madaxda dhaqanka ee kulankaasi ka qaybgalay ayaa u xaqiijiyay Hargeysa Online in kulankaasi ahaa mid ay iskaga xog waraysanayeen gudoomiye ku xigeenka xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed iyo Waxgarad ahaan siyaasada xisbiga iyo sidii taageerayaasha xisbiga ay uga mid noqon lahaayeen.

Axmed Muumin Seed ayaa isaga mudooyinkan dambe aad looga dareemaa isla markaana looga hadal hayaa meelaha lagu kulmo ee ka mid ah magaalada Boorama, Maadaama uu waayadan dambe si aad ah uga hadlo warbaahinta, kagana hadlo siyaasado ku lid xukuumada, taas oo uu rabo inuu ku kasbado quluubta dadka reer Awdal, wuxuuna inta badan ku dhaliilaa waxqabad la'aan dhinaca horumarka ah oo aanay ka qaban gobolka Awdal iyo Salal, iyo cashuuro xad-dhaaf ah oo la saaray goobaha socdaalka ee gobolka Awdal laga soo galo.

Si kastaba ha ahaatee, Siyaasada qabaw ee gudoonka xisbiga Wadani ka bilaabay gudaha Boorama ayaa loo qaadan karaa inay hordhac u tahay, safar la filayo inuu ku yimaad caasimada Gobolka Awdal gudoomiyaha xisbiga Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciro, kuladana ay yihiin qaar loogu sii googol xaadhayo ama loogu sii diyaar garoobayo.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.