Waa Xaaraan In Madaxweyne Siilaanyo Muddo Kordhin Loo Sameeyo.
Posted by abdi on February 28 2014 21:10:35

Gudoomiyaha guddida arrimaha gudaha iyo nabadgalyada ee golaha Wakiilada Somaliland xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) ayaa sheegay inaan shacbiga Somaliland.


Extended News

Gudoomiyaha guddida arrimaha gudaha iyo nabadgalyada ee golaha Wakiilada Somaliland xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) ayaa sheegay inaan shacbiga Somaliland aqbalaynin in madaxweyne Axmed Siilaanyo muddo kordhin loo sameeyo marka muddada shanta sano ka dhamaato, waxaanu tilmaamay in arrinkaasi xaaraan yahay.

Xildhibaan Rayte oo shalay ka hadlay munaasibad xisbiga Wadani u qabtay arday jaamacadaha magaalada Hargeysa wax ka barta, ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan maqlayaa oo la hadal hayaa oo soo socota oo la wadaa, oo lala guuxayaa muddo korodhsi muddo kordhisna waa xaaraan in madaxweyne Siilaanyo loo sameeyo. Sanadka iyo badhka u hadhay xukuumadan ayaa shacbiga Somaliland dirqi ku ah, yaan ummadu waxay afka kala warwareegayso inay kor u tidhaahdo yaan lagu khasbin. Sanadka iyo badhka madaxweyne Siilaanyo u hadhay waanu sugaynaa cidii nala tartamaysay inay soo baxdana waanu sugaynaa, balse muddo korodhsi dambe ma filayo inay Somaliland dib uga suurto gali karo, ninka muddo kordhisanayana waa nin rogaya dalkan Somaliland, dimoqraadiyada Somaliland ma xamilayso muddo korodhsi dambe oo intii hore ayaa ku fulin.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.