Jamaal Cali Oo Mar Kale Xukuumadda Uga Digay In Doorashadu Dib U Dhacdo.
Posted by abdi on February 28 2014 21:22:09

Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa markale xukuumadda xisbiga Kulmiye ee uu hogaaminayo madaxwayne Axmed Siilaanyo uga digay inay doorashooyinka.


Extended News

Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa markale xukuumadda xisbiga Kulmiye ee uu hogaaminayo madaxwayne Axmed Siilaanyo uga digay inay doorashooyinka madaxwayne-nimo iyo ta baarlamaankuba ay dib uga dhacdo wakhtigii loo qorsheeyey.

Sidoo kale Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu ka xog-waramay socdaal uu sheegay inay dhawaan guddoomiye-yaasha saddexda xisbi-qaran ee Kulmiye, UCID iyo Waddani ay ugu bixi doonaan dalka Kenya, kaas oo tilmaamay inay magaaladda Nairobi madaxda axsaabtu inay wada-hadalo kula yeelan doonaan dalalka Somaliland ka tageera doorashooyinka.

Musharaxa UCID Jamaal waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay warbaahinta ugu waramay magaaladda Hargeysa, ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaa muhiim ah in waxyaabaha loo baahan yahay ee doorashooyinka khuseeya hore loo qabto, oo aan markiiba lagu boodin dibudhac ku yimaada doorashooyinka, arrinta dibudhigida doorashooyinka mid taala maha, Madaxweynaha Somaliland waxaa isna laga hayaa in aanu hal maalin dib u dhigidoonin, hadalkaas ayaanu annagu ka haynaa, waxaa kale oo jira in xooga tafaahum la’aan ahi ka dhaceen diwaangalint codbixiyaasha oo ay wadeen waddamada ina tageera, iyo diwaan galinta muwaadiniinta, tiina hadda waa laysla  gartay in aanay caqabad isku noqonayn, oo wixii ay kala faa’iidaysan karaan is dhaafsadaan lakiin aanay is carqaladayn”.

Jamaal Cali Xuseen isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas raaciyey “Waxaa iyana jirta inay dhawaan Guddoomiyaasha Xisbiyadu socdaal ku tagi doonaan waddanka Kenya, halkaasna ay shirar kula yeelan doonaan deeq-bixiyaasha caalamiga ah ee inaga tageera doorashooyinka, si loo diyaariyo dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashooyinka inagu soo foolka leh.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.