Xubno somaliyed oo ka tirsan xisbiga SV, oo kulan la jeeshay wasiirkii hore hormarinta Norway.
Posted by xaaji on March 08 2014 12:27:48

Siyaasin ree Norway oo ka soo jeeda xisbiga SV -Social Left Party oo shir la jeeshay wasiirkii hore ee hormarinta Norway.


Extended News

Xubno somaliyed oo ka tirsan xisbiga SV, oo kulan la jeeshay wasiirkii hore hormarinta Norway.

Oslo thuesday, march 04. 2014

Siyaasin ree Norway oo ka soo jeeda xisbiga SV -Social Left Party oo shir la jeeshay wasiirkii hore ee hormarinta Norway, mudane Heikki Holmås Eidsvoll. Imikana ah xubin ka tirsan barlamanka Norway.


Kulankan oo ahaa kulan lagaga arinsanayay, sidii wax looga qaban lahaa dhibatooyinka haysta somalida ku dhaqan dalkan Norway. Dadka somaliyeed ee dagan dalkan Norway oo aad moodo, inay ka hormar hooseeyaan dadka kale ee ajaanibka ah.

Qodobada kale ee shirkan lagaga wada hadalay, sidii dawlada Norway ay gacan uga gaysan lahayd hormarka Somaliland iyo Somaliya. Mudane Heikki Holmås, wuxuu carabka ku dhuftay inay qorshaha ugu jirto, inay booqasho ku tagi doonaan Somaliland, Somaliya iyo Puntland sanadka soo socda.

Waxa kale oo mudane Heikki Holmås, sheegay inay dhawaan la kulmi doonan wefti ka socda Somaliland, oo ay ka mid yihiin, xubno goolaha wasiirada ka tirsan iyo duqa magaalada Hargeisa. Weftigan oo u qorshaysan inay ku soo horeeyaan dalka Swedan.


Madaxa isku xidhka ajaanibka iyo Social Left party, Oslo

Deeqa Axmed Cumar