Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Shalay La Keenay Eedaysanayaal Loo Hayo Dilkii Haweenaydii.
Posted by xaaji on March 09 2014 22:06:02

Maxkamada gobolka Maroodi Jeex  ayaa shalay la hor keenay eedaysanayaasha ku eedaysan dilka Alle haw naxariistee marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo si fool xun dhawaan loogu dilay guri.


Extended News

Maxkamada gobolka Maroodi Jeex  ayaa shalay la hor keenay eedaysanayaasha ku eedaysan dilka Alle haw naxariistee marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo si fool xun dhawaan loogu dilay guri ku yaala xaafada bariga  magaalada Hargeysa.


Eedaysanayaasha kiiskan dilka ah loo haysto ayaa la filayey in shalay la furo dacwadooda la xidhiidha dilka haweenayda, balse waxaan suura gelin in la gudo galo kiiskan, waxaana eedaysaneyaashan loo jaray todoba cisho oo rumaan ah sida uu xaqiijiyey xeer ilaaliyaha gobolka Maroodi Jeex Axmed Cismaan Mire oo la hadlay  warbaahinta markii fadhiga shalay ee maxkamadu dhamaaday, waxaana loo balamay dhagaysiga kiiskaasi marka muddada todobada cisho ee Rumaanka ahi dhamaato in dib maxkamada loo horkeeno eedaysanayaasha dilkaasi loo hayo.

Sida uu sheegay xeer ilaaliyaha gobolka Maroodi Jeex kiiskan dilka ah ayaa ilaa hada loo soo qabtay todoba qof, kuwaas oo ku eedaysan falkan, waxaanu xeer ilaaliyuhu tilmaamay in kiiskan loo qaadi doono sida ugu dhakhsaha badan.

Ugu horayn xeer ilaaliyaha gobolka Maroodi Jeex Axmed Cismaan Mire oo ka hadlaya eedaysanayaasha kiiskan ee la hor keenay maxkamada gobolka Maroodi-jeex ayaa waxa uu yidhi “Kiiskaasi waa mid warkiisu cad yahay waana mid aad u fool xun oo jariimad ah, waana hab aynaan dhaqan u lahayn oo inagu cusub waana lagu guulaystay, dadkii falkaas ku eedaysnaana maanta ayaa la hor keenay garsoorka, waxaana xeer ilaalinta loo gudbiyey eedayntii ugu horaysay ee Bileyska, markaas kiiskaas waa la rumaan gareeyey oo maxkamadii awooda u lahayd u rumaan garaysay in si degdeg ah loo qaado, anagana Bileyska ayaa noo keenay anaguna maxkamada ayaanu hor gaynay.”

Xeer ilaaliyaha gobolka Maroodi Jeex oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qodobada ay ku eedaysan yihiin dadka loo hayo kiiskan dilka ah waxaanu yidhi “Dadkii dilka tooska u  gaystay marxuumada waxay ku eedaysan yihiin qodobada 434 oo lala akhrinayo  qodobka 71 ee xeerka ciqaabta guud, dad aan wali warkoodu cadayn oo gacansiin ku eedaysan ayaa jira, kuwaas oo uu hayo qodobka 297 xeerka ciqaabta guud haddii ay ku cadaato haddii kale-na ay xoriyadooda heli doonaan, Dadka eedaysani waa todoba qof oo ah wixii fal danbiyeedkaasi ku raad yeeshay ee ilaa imika la ogaaday ee la helay ayuun baana eedaysan”.

Hase yeeshee Shacabka ku dhaqan guud ahaan Somaliland ayaa si weyn ugu dhag taagaya natiijada ka soo baxda kiiskan dilka ee ay ku eedaysan yihiin todobada qof, iyaga oo lagu eedaynayo inay gaysteen dil aan hor noociisa loogu arag Somaliland.

Dhinaca kale marxuumada dilkan lagu fuliyay ayaa Khamiistii todobaadkii hore lagu aasay magaalada Hargeysa, ka dib markii muddo dhawr cisho maydkeedu yaalay cusbitaalka guud ee caasimada, iyadoo dilkaasi foosha xuna loo hayo gabadha lagu eedaynayo dilkaasi iyo lix qof oo kale oo eedaysanayaasha dilkaasi loo soo xidhxidhay ah oo qaar ka mid ah la sheegay inay gabadhaasi dhashay, marxuumada la dilay waxa god looga qoday oo lagu xabaalay guriga ay galaysay gabadha dilkaasi lala xidhiidhinayo inay gaystay, falkaasi oo dadweynaha reer Somaliland ay aad uga argagaxeen.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.