Xukuumada Oo Ka Biyo Diiday Dhaqaale Baanka Horumarinta Afrika Doonayo Inuu Somalia U Soo Mariyo.
Posted by ifraax on March 11 2014 16:51:10

Xukuumada Somaliland ayaa soo bandhigtay in Baanka Horumarinta Afrika uu ka baxay mawqif ay si wada jir ah labada dhinac hore ugu heshiiyeen in loo maamulo dhaqaale ku baxaya qorshe.


Extended News

Xukuumada Somaliland ayaa soo bandhigtay in Baanka Horumarinta Afrika uu ka baxay mawqif ay si wada jir ah labada dhinac hore ugu heshiiyeen in loo maamulo dhaqaale ku baxaya qorshe lagu tirakoobayo shacbiga Jamhuuriyada Somaliland oo wakhtigan xaadirka ah loo gacan geliyay dawlada Federaalka Somalia.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed shalay ka soo baxay Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, kaas oo sheegay in aanay Somaliland qaadanayn lacag soo martay gacanta Somalia.

Qoraalka warsaxafadeedka wasiirka Qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali Shire uu ka soo saaray heshiiskaasi hore ay Somaliland iyo Baanka Aduunka u dhexmaray, balse Baanka Aduunku jabiyay heshiiskaasi ayaa qoraalka wasiirka waxa uu u dhignaa sidan:-

“Annaga oo tixraacayna qoddobka koowaad xayeysiis la soo geliyey website-ka Bangiga horumarka Afrika (African Development Bank) ee ku suntan taariikhda 7/3/2014ka, kaas oo leh “waxay Dawladda Federaalka ee Somalia ka heshay Bangiga Horumarinta Afrika lacag, taas oo lagu tayeynaayo xog ururinta Somaliland. Waxaanu halkan ka cadaynaynaa in lacag gacanta Dawladda Federalka Somalia soo martay aanaan qaadanayn.

Mashruucan ayaa hadalkiisu wuxuu soo socday muddo laba sannadood ah.

Fahamkayagu wuxuu ahaa in Bangigu lacagta mashruuca ku baxaysa gacanta ku haynayo, oo aanay gacan kale galeyn, khabiirrada loo baahan yahayna ka wada hawl-geleyno.

Waanu soo dhoweynaynaa taageerrada Bangiga, laakiin taageeradaasi waa in aanay gacan wadan kale soo marin ee gacantiisa ka soo baxdo.

 


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.