Taariikhda SNM Ha Lagu Daro Manhajka Waxbarashada Dalka Oo Caruurta Ha La Barro.
Posted by ifraax on March 11 2014 16:59:10

Siyaasiga Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi), kana mid xooggaga dhexdhexaadka ah Somaliland, ayaa xukuumadda xisbiga Kulmiye ee talada haysa ugu baaqay in manhajka waxbarashadda dalka.


Extended News

Siyaasiga Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi), kana mid xooggaga dhexdhexaadka ah Somaliland, ayaa xukuumadda xisbiga Kulmiye ee talada haysa ugu baaqay in manhajka waxbarashadda dalka lagu daro taariikhdii ururkii xaq u dirirka ee SNM ee dib u xoraynta Somaliland.

Cismaan Hindi waxa uu ku dooday in cid qaranka difaacda la waayi doono hadii aan caruurta iyo dhalinyarada dalka la barrin wixii loo soo maray dib u xoraynta Somaliland, isaga oo tilmaamay inaanay cidina difaaca dalka ku dhiiranayn doonin hadii la cisayn-waayo mujaahidiinta nool iyo xaasaska iyo caruurtii ay ka tageen geesiyadii SMN.

Cismaan C/laahi Cigaal waxa uu sidoo kale madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku hambalyeeyey xeerka uu ka soo saaray dhawaan ee ilaalinta iyo daryeelka hantida dawladda oo ay dhulka iyo guryuhu ka mid yihiin.

Waxaan ku talinayaa in guud ahaan bulshadda Somaliland ay ku dagaalanto oo ay ku dadaasho sidii sharciga loo horkeeni lahaa dadkii xasuusay shacbigii iyo maatidii aan waxba galabsanin ee maalin walba godka laga soo saarayo lafahoodii iyaga oo isku xidh-xidhan.

Cismaan Hindi isaga oo qoraalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Ilaahay ha u naxariisto dhamaan dadkii reer Somaliland ee uu xasuuqay taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre, waanan ka mabsuuday oo run ahaantii Jidhiidhico ayaa I qaaday markii aan arkay 45 qof oo saraakiil ciidan iyo shacbi-ba leh oo uu xasuuqay Siyaad Barre oo shalay aas-qaran loogu sameeyey Hargeysa, run ahaantii gacan ka gardaran ayaa dishaye Alle ha u naxariisto. Waxaanan xukuumadda, madaxwaynaha iyo guud shacbigaba ugu baaqayaa inay sharfaan agoontii iyo xaasaskii ay ka tageen geesiyadaasi u dhintay dalkooda ee loo xasuuqay isir-ahaanta,waxaynu ognahay in dalalka Ethiopia iyo Eretria sida wayn iyo sharafta la siiyo dadkii u halgamay oo ninkasta oo mujaahid ahi waxa uu leeyahay ID Card lagu aqoosanayo oo qofkasta oo arkaa fadhiga ayuu uga kacayaa oo wuxuu dadkiisa ugu dhexnool yahay cisi iyo sharaf ee aynu sidaas yeelno oo aynu sharafno oo ixtiraano geesiyadii SNM inta nool, isl markaana inta dhimatay waxa sharaf ugu filan inaynu tixgalino caruurtooda iyo ooriyahooda nool”.

Cismaan Hindi mar qoraalkiisa kaga hadlayay taariikhda SNM waxa uu yidhi “Waxaan ku talinayaa oo aan cod dheer ku soo jeedinayaa in taariikhdii SNM iyo halgankii ay dalkan kaga xoreeyeen taliskii macangaga ahaa ee dhiiga dadka cabi jiray in lagu dhigo Iskuulada oo Manhajka waxbarashada dalka lagu daro si aanay mar danbe u dhicin tii oo kale, run ahaantiina barashada taariikhda SNM waxay dawo u tahay oo ay dhiiri-galinaysaa dhalinyarada iyo caruurta reer Somaliland oo dareemi doona in hadii ay difaaca dalkooda u dhintaan in la sharfi doono xaaskooda iyo caruurta ay ka tagaan, hadii taariikhda SNM barri-waayo dhalinyarada waxa la waayi doonaa cid difaacda dalkan oo ku dhiirata halgan danbe oo lala galo cadow, dadkuna way ka niyad jabi doonaan inay sharaftooda iyo qarankooda difaacaan”.

Qoraalkiisa isaga sii wada, waxa uu intaasi raaciyey “Waxaannu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ku hambalyeynaynaa u dhegonugaylka, sixida iyo wax-ka-qabashada cabashooyinka ummaddu ay tabanayso.

Waxa kale oo aannu si gaar ah madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland aannu ugu hambalyeynaynaa xeerka madaxweyne ee uu ka soo saaray sidii dhulka danta guud ee guryaha iyo dhulka loogu soo celin lahaa gacanta xukuumad si looga ilaaliyo tasarufka lagu hayo, sidoo kale waxaannu ku ammaanaynaa sida uu xeerka ugu caddeeyey inay waajib tahay ilaalinta waddooyinka iyo dhulka kale ee danta guud oo aan loo samaysan karin sharci lahaansho ah, sifo kalena loo isticmaali karin.

Haddaba, dhammaan hay’adaha dawladda ee ay khusayso iyo guddiyada qaranka ee madaxweynuhu magacaabay, waxaannu ku boorinaynaa, kuna dhiirigelinaynaa in sida ugu degdega badan ee la xidhiidha danta qaranka u fuliyaan xeerka madaxweyne, iyagoo aan cidna u habranayn.

Waxa kale oo aannu halkan ka sheegaynaa, kana codsanaynaa in hoos loo eego mujaahidiinta waaweyn ee dalka ee guryaha dawladdu hoyga u yihiin haddii guryahaas looga maarmi karo danta qaranka, maadaama digreetada madaxeynuhu khusaynayso guryaha dawladda oo dhan oo ay ka mid yihiin kuwa ragga mujaahidiinta ah, agoomihii SNM iyo qoysaskoodu hoy ahaan ugu jiraan, arrintaasna waa in hoos loo eego,” ayuu Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ku yidhi warsaxaafadeedkiisa.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.