Madaxweyne Siilaanyo oo saaka Borama u kicitimaya.
Posted by ifraax on March 11 2014 17:06:44

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka u kicitimaya magaaladda Borama, isagoo ka soo furi doona mashaariic kuwo hor leh-na dhagax dhigi doona.


Extended News

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka u kicitimaya magaaladda Borama, isagoo ka soo furi doona mashaariic kuwo hor leh-na dhagax dhigi doona.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo safarkiisa ay ku wehelin doonaan qaar ka tirsan madaxda Xukuumaddiisu waxa ay dhagax dhigi doonaan dibu-dhis lagu samaynayo laamida u dhaxaysa Kalabaydh iyo Dilla, isagoo furi doona jidka laga isku xidha Dilla iyo Borama oo la dhamaystiray.

Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu dhagax dhigi doonaa jid cusub oo isku xidhi doona Barama iyo Boon kaasoo dhan qiyaas konton Kiiloomitir ah, isla markaana ay iska kaashan doonaan Dadweynaha iyo Xukuumaddu.

Madaxweyne Siilaanyo sidoo kale waxa uu indho indhayn doonaa isbedelka dhinaca Horumark ah ee Gobolka Awdal ku soo kordhay iyo jidadka magaaladda dhexdeeda laga sameeyey, wallow dhawr mashruuc oo uu hore dhagax ugu dhigay si ay dawladda Hoose usamayso ay wali qabyo yihiin, kuwaas oo ay ragaadiyeen maamulka Dawaladda Hoose oo khilaaf xoogani ka dhex taagan yahay.

Dhinaca kale, waxa la saadaalinayaa Madaxweyne Siilaanyo marka uu Borama ka soo noqdo in uu hadana u bixi doono safar kale oo Ilaa Ceerigaabo ah isagoo si rasmi ah goob joog uga noqon doona Jidka Ceerigaabo illaa Burco oo la bilaabayo.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.