Gabadhii Dilka foosha xun geysatay oo kalideed lagu xidhay Qol madow.
Posted by ifraax on March 11 2014 17:15:24

Gabadhii dhawaan Hargeysa ka fulisay Dilka foosha xun ee ay maxkamadda gobolka Hargeysi Rumaan garaysay ayaa lagu xidhay qol gaar ah oo ku yaala Xabsiga Hargeysa.


Extended News

Gabadhii dhawaan Hargeysa ka fulisay Dilka foosha xun ee ay maxkamadda gobolka Hargeysi Rumaan garaysay ayaa lagu xidhay qol gaar ah oo ku yaala Xabsiga Hargeysa kaasoo aan Dumarka hore loogu xidhi jirin, hase yeeshee khatarta uu kiiska ay gashay leeyahay dartii ayay xukuumaddu u adkaysay xadhigeeda.

Maxakamadda Gobolka Hargeysa oo dhagaysigii ugu horeeyay ee Dacwada Gabadhan Dilka lagu Eedaynayo samaysay ayaa amartay in Jeelka Hargeysa lagu hayo inta kiiskeeda la dhamaynayo halka ay Dacwadaha kale ee Dumarka loo haysto laga geetyo xabsiga Gabilay oo la geeyo Eedaysanayaasha iyo danbiilayaasha Haweenka ah.

Talaabadan oo ah tii ugu horaysay ee ay Maxkamadda Gobolku ku dhaqaaqdo ayaa lagu macnaynayaa in ay keentay xaalada gabadhan oo ah tii ugu adkayd ee dalka ka dhacda, isla markaana xukuumaddu xil adag iska saartay sidii ay u ilaalin lahayd haweenaydan iyo carruurteeda oo lagu eedeeyey in ay Booliisku ka gaabiyeen soo qabashadeedii hore ama laftooduba markii ugu horaysay ee la qabtay ay siiba daayeen.

Dhinaca kale, Gurigii ay qoyska wax dilay ku jireen iyo Godkii ay ku aaseen marxuumaddii Meydkeeda la la’aa toddobaadka ayaa dadweynuhu wali buuqanayaan iyadoo uu gaadhay in lagu daawado Hal Doolar qofkii u baahda in uu soo arko dhacdada naxdinta leh ee lagu sameeyey Godkaas oo taariikhda dhacdooyinka murugada leh ee Somaliland galaya.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.