Gaari miinooyin laga soo buuxiyay oo Muqdisho ku qarxay.
Posted by abdi on March 15 2014 22:46:49

Qarax loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta ka dhacay dhabarka dambe ee hoteelka Maka Al-Mukarama.


Extended News

Qarax loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta ka dhacay dhabarka dambe ee hoteelka Maka Al-Mukarama, iyadoo la sheegay in laba qof ay ku dhaawacmeen.

Goobta uu qaraxan ka dhacay ayaa ah goob ay yaalleen baabuur fara badan oo la dhex-dhgay gaariga qarxay, iyadoo qaraxa uu ahaa mid xooggan oo laga maqlay qaybo badan oo Muqdisho ka mid ah.

Saraakiisha ciidamada ammaanka ee degmada Hodan oo goobta tagay ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in weerarkan uu ahaa mid lasoo qosheeyay uuna burbur u geystay gaadiid goobtaaas yaalay.

Dhabarka dambe ee hoteelka Maka Al-Mukarama ayaa waxaa gaadiidka dhigta dadka doonaya inay hoteelkaas ama ku dhow-dhow galaan, maadaama aan gaadiid la dhigi karin laamiga.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan, iyadoo sidoo kalena aysan jirin cid ku dhimatay weerarka, waxaana gaariga qarxay la sheegay in gaadiidkii halkaas yaallay la dhex-dhigay.

Qaraxan ayaa wuxuu ka mid noqonayaa qaraxyo ka dhacayay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, kuwaaoo intooda badan ay sheegatay mas’uuliyadooda Al-shabaab, kuwaasoo mid ka mid ah sannadkii hore lala beegsaday hoteelka Maka Al-Mukarama.

2014315635304681536416746dsc_1016.jpg

2014315635304684972609024dsc_0983.jpg

2014315635304685586262726dsc_0997.jpg

2014315635304688813917270dsc_1007.jpg




HargeysaOnline.Net