Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo Muqdisho lagu aasay.
Posted by abdi on March 16 2014 22:06:42

Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec (boqorkii codka) oo toddobaadkii hore ku geeriyooday Jarmalka ayaa maanta lagu aasay Muqdisho.


Extended News

Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec (boqorkii codka) oo toddobaadkii hore ku geeriyooday Jarmalka ayaa maanta lagu aasay Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qaybgalay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.
Meydka marxuumka ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka Aadan-cadde; iyadoo ay la socdeen qaar ka mid ah qoyskiisa, waxaana salaadda Janaasada lagula tukaday dugsiga tababarka ciidanka booliiska ee Jeneraal Kaahiye.
Sidoo kale, aaska ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka Diinta iyo Owqaafta, Ridwaan Xersi Maxamed, wasiirka warfaafinta Mustaf Sh. Cali Dhuxulow, wasiirka duulista hawada Siciid Qoorsheel, wasiirka amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiir ku xigeenno, fannaaniin, abwaanno iyo dadweyne fara badan.

 


Aaska kaddib ayaa waxaa hadlay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia isagoo u duceeyay marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec, wuxuuna Alle uga baryay inuu u dambi dhaafo, Jannadiisana geeyo.

“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa shacabka iyo fannaaniinta Soomaaliyeed ee uu ka baxay fannaankeena qaaliga ah. Tubeec wuxuu ka mid ahaa fannaaniinta hal-doorka ah wuxuuna caan ku ahaa dareen wadaniyadeed iyo wacyigelinta bulshada,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumada.

 

HargeysaOnline.Net

 

2014316635305509912217583img_9316.jpg

2014316635305511299913251img_9335.jpg

 

2014316635305532178351825img_9385.jpg

2014316635305559013289129dsc04190_jpg.jpg

2014316635305559946826637dsc04234_jpg.jpg

2014316635305560177622147dsc04181_jpg.jpg