R/Wasaraha Somaliya oo maanta Muqdisho dib ugu soo laabtey.
Posted by ifraax on March 23 2014 21:51:28

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday kadib safaro shaqo oo uu ku joogay dalka Switzerland.


Extended News

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday kadib safaro shaqo oo uu ku joogay dalka Switzerland.


C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo Garoonka Muqdisho ay kusoo dhaweeyeen xubno ka tirsan Wasiirada iyo Xildhibaano, ayaa hadal uu siiyay Warbaahinta wuxuu ku sheegay in intii uu ku sugnaa dalkaasi uu shirar kala duwan la qaatay madaxda dalkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Switzerland uu kala hadlay sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa shaqo abuur gaar ahaan dhalinyarada kunool dhulka Shabaab laga qabsaday.
C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay inuu lasoo kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Switzerland, uuna kala hadlay sidii dalka maalgashi loogu sameyn lahaa.