Madaxdhaqameedyada Beesha Warsangeli Oo Go’aano Cad Ka Soo Saaray Shirkii Badhan.
Posted by ifraax on March 27 2014 17:07:45

Shir madaxdhaqameedyada iyo waxgaradka beesha Warsangeli todobaadkan uga socday degmada Badhan ee bariga Sanaag ayaa laga soo saaray go’aano ku wajahan xaaladaha nabadgalyo.


Extended News

Shir madaxdhaqameedyada iyo waxgaradka beesha Warsangeli todobaadkan uga socday degmada Badhan ee bariga Sanaag ayaa laga soo saaray go’aano ku wajahan xaaladaha nabadgalyo iyo arrimaha siyaasadeed ee ka taagan deegaanada bariga Sanaag, isla markaana loogu quus goynayo in madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiwali Gaas uu socdaal ku yimaado degmada Badhan, lagagana soo horjeedo faragalinta maamulka Garoowe uu ka wado deegaanada bariga Sanaag.

Sida ay Hargeysa Online u xaqiijiyeen dad ku sugan degmada Badhan oo ka qaybgalay shirkaasi ayaa sheegay in shirkaasi madaxdhaqameedyada beesha Warsangeli oo shalay la soo gabagabeeyay layskula meel dhigay go’aano lagu taageerayo qaranimada Somaliland, isla markaana lagu deedafeeyay faragalinta qaawan ee maamulka Puntland uu ku soo sameeyay xuduudaha gobollada bariga Somaliland, ayaa sidoo kale waxay ilo wareedyadu intaa ku dareen in go’aanadaasi lagu taageerayo jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland ay si buuxda iskugu raaceen madaxdhaqameedyada iyo waxgaradka deegaanada bariga Sanaag ee shirkaasi iskugu yimid.

Go’aanada iyo baaqyada laga soo saaray shirkaasi Badhan oo aan saxaafada loo bandhigin oo la sheegay in maanta si rasmiya lagaga dhawaaqi doono magaalada Badhan ee xarunta bariga Sanaag ayaa ilo wareedyo xogogaal ahi ay xaqiijiyeen in nuxurka go’aamadaasi u dhigan yihiin sidan:-

Beesha bariga Sanaag waxay cadaynaysaa inaanay ogolayn xaalado amaan daro oo ka dhaca deegaanada Badhan.

Beesha Warsangeli waxay si cad u bayaaminaysaa inay dal ahaan iyo iyo dad ahaan yihiin bulsho ku abtirsata dalka Somaliland, isla markaana ay ka soo horjeedo in talaabo kasta oo faragalin ah oo maamul goboleedka Puntland ku soo sameeyo deegaanada bariga Sanaag.

Waxa kale oo madaxdhaqameedyada Sanaag bari ay digniin ugu dirayaan in madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiwali Gaas uu socdaal ku yimaado degmada Badhan iyo guud ahaanba bariga Sanaag oo aanu u aragno in xaalado amaan daro iyo isku dhac uu abuurayo.

In si dhakhso ah ciidanka Puntland ee ku sugan Badhan ay uga baxaan magaalada, kuna laabtaan Garoowe.

Beesha Warsangali waxay diyaar u tahay in beelaha darisyada ay nabad iyo walaalnimo ku wada noolaadaan.

Waxaanu soo dhawaynaynaa gogoshii nabadeed iyo baaqii madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu u soo jeediyay beelaha gobollada bariga in wada hadal lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah.

Waxaanu soo dhawaynaynaa talaabo kasta oo xukuumada Somaliland oo ku wajahan horumarinta iyo mashaariic kasta oo laga fulinayo deegaanada bariga Sanaag.

Dhinaca kale Suldaan Cabdi salaam oo la sheegay inuu wajigabax kala kulmay shirkaasi lagu taageeerayo qaranimada Somaliland oo isaga mawqifkiisu teegeero maamul goboleedka Puntland iyo socdaal uu ku yimaado madaxweynaha Garoowe degmada Badhan.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.