SONYO Oo la Kulmay Masuuliyiin Ka Tirsan Dawladda Maraykanka.
Posted by xaaji on March 30 2014 11:49:14

Washington (Hargeysa Online) Agaasimaha Fulinta ee Dallada Ururada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO, Mr. Siciid Maxamed Axmed ayaa socdaal ku jooga dalka Maraykanka.


Extended News

Washington (Hargeysa Online) Agaasimaha Fulinta ee Dallada Ururada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO, Mr. Siciid Maxamed Axmed ayaa socdaal ku jooga dalka Maraykanka. Waxa uu ka qayb galayaa barnaamij ay wado Wasaarada Arimaha Dibadda ee Dalka Maraykanka oo la yidhaahdo International Visitors Leadership Program (IVLP). Waa barnaamij ay dawlada Maraykan si toos ah ugu casuunto, una xulato shakhsiyaadka dhallinyarada ah ee ka hawlgala ururada bulshada rayidka ah ee sida  mutadawacnimada ah u qabta hawlo muhiim ka ah dalalkooda hooyo si loo siiyo waayo-aragnimo aqooneed oo ku saabsan dhismaha tiirarka dimuqraadiyada, diblomaasiyada iyo xasiloonida adduunka, maamul wanaaga iyo horumarinta xidhiidhada dhaqan dhaqaale ee ka dhexeeya bulshooyinka adduunka, gaar ahaan Qaarada Africa iyo Dal-weynaha Maraykanka.

 

 Agaasimaha Fulinta ee Dallada SONYO, Mudane Siciid Maxamed Axmed, waxa uu ka mid yahay 11 dhallinyaro ah oo matalaya ururada bulshada rayidka ah ee ka qabtay dalalkooda hooyo hawlo la majeeran karo oo Wasaarada Arimaha Dibada ee dalka Maraykanku ka xushay dhammaan dalalka Qaarada Africa oo ay Somaliland na ku jirto. Arintani waxa ay aqoonsi buuxa u tahay hawsha miisaanka leh ee Dallada Dhallinyarada SONYO u hayso bulshadeeda.

 

Muddada ay joogaan Maraykanka, waxa ay kulamo la qaadan doonaan diblomaasiyiin iyo masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Dawlada, Golaha Odayaasha, Golaha Wakiilada, Guddida Doorashada heer Federal iyo Axsaabta Qaranka ee Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

 

Agaasimaha Fulinta ee Dallada Dhallinyarada ee SONYO waxa uu Guriga Cad ee dalka Maraykanka looga arimiyo kula kulmay Mudane Grant Harris oo ah La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweyne Barack Obama u qaabilsan Arimaha iyo Siyaasada Qaarada Africa. Waxa uu xog fiican ka siiyey nabad-galyada, dimuqraadiyada, nidaamka axsaabta badan iyo horumarka ka socda Jamhuuriyada Somaliland. Waxa uu su’aal galiyey sababta dawlada Maraykanku u qiimayn wayday  guulaha Jamahuuriyada Somaliland iyo dadkeedu gaadheen muddadii ay jirtay iyo doorka miisaanka leh ee Jamhuuriyada Somaliland ugu jirto nabad kuwada noolaanshaha iyo xasiloonida Geeska Africa. Waxa uu ku dhiirigaliyey maamulka Madaxweyne Obama iyo gaar ahaan Mr Grant Harris in ay dhug fiican u yeeshaan qadiyada madax-bannaanida  iyo xaqa aayo-ka tashiga JSL oo ah lama taabtaan. Mr. Siciid Maxamed Axmed, waxa kale oo uu ka codsaday in dawlada Maraykanku ku casuunto Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo, oo ah madaxweynihii labaad ee JSL yeelato ee ku yimaada nidaamka dimuqraadiga ah iyo axsaabta badan, shir-weynaha Hogaamiyayaasha Qaarada Africa ee ka dhici doona dalka Maraykanka. Mr. Grant Harris oo ka hal-celinaya hadalka Agaasimaha Dallada Dhallinyarada ee SONYO, waxa uu tilmaamay in ay qadiyada Somaliland ka duwan tahay kuwo kale oo badan iyo in sidoo kale maamulka Madaxweyne Obama ixtiraamayo dadaalka iyo hawsha weyn ee Somaliland qabatay. Waxa uu sheegay in Dawlada Maraykanku sii wadi doonto la shaqaynta iyo taageerada ay siiso Jamhuuriyada Somaliland.

 

Waxa uu ahaa kulan qiimo badan oo Maamulka Madaxweyne Obama ku soo dhawaynayey 11 kaas dhallinyarada ah ee ka socday 10 dal oo Qaarada Africa ka mid ah oo JSL ka mid tahay. Waxa muhiimadiisa lahayd in qadiyada JSL lagu soo bandhigo fagaare iyo kulan noocan oo kale ah gaar ahaan Guriga Cad ee Maraykanka dhexdiisa. Sharaf weyn bay u tahay hawshani Dallada Ururada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO, Wasaarada Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Qaranka,  Dhallinyarada Somaliland iyo Guud ahaan dalkeena Somaliland. Waa guul wayn oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay qadiyada madax-bannaanida JSL taas oo shakhsi, urur iyo dawladba ah waajib inawada Saaran.

 

Dallada Ururada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO oo ay ku bahooben 54 urur dhallinyaro oo Somaliland oo dhan ah, ka daali mayso in ay qayb laxaad leh ka qaadato ka jibo keenka qadiyada gooni-isku taaga JSL iyo muujinta dareenka iyo go’aanka shacabka JSL iyada oo ku soo bandhigaysa fagaarayaal caalami ah iyo kulamo diblomaayadeed. Horaantii bishan uun bay ahayd markii Guddoomiye Ku Xigeenka Dallada SONYO, Mudane Mustafe Maxamed Daahir, ka qayb galay Shirweynihii Dhallinyarada Adduunka ee ka dhacay dalka Japan. Kulamada uu yeelan doono Agaasimaha Fulinta Dallada SONYO, Mudane Siciid Maxamed Axmed waa ay sii socon doonaan ilaa bisha April 10keeda, 2014 oo ah muddada uu joogi doono dalka Maraykanka.

 

Guul iyo Gobonimo. Jamhuuriyada Somaliland ha waarto.

 

 

  Allaa Mahad Leh

 

Mubarak Ismail Taani,

Guddoomiyaha Dallada Ururada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO

Hargeisa, Somaliland



--

Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)
Hargeysa, Somaliland
Phone: 252-063-4402360
facebook: maxamedilkacase
Skype: maxamedkhadar9
Advocator, Journalist and Human Rights Activist
LLB Law