Wasiirka Daakhiliga Iyo Taliyaha Ciidanka Bileyska Oo U Kicitimay Djibouti.
Posted by ifraax on March 30 2014 22:24:36

Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade.


Extended News

Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, isla markaana uu ku weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa shalay u kicitimay dalka Djibouti, kaas oo shalay markii ay ka amba-baxayeen madaarka caasimadda ee Igal International Airport uu wasiir Warancad ka warbixiyey ujeedada socdoolkooda.

Wasiir Cali Warancade waxa uu sheegay inay madaxda dalka Djibouti ka wada hadlayaan sidii ay iskaga kaashan lahaayeen amniga labada wadan isla markaana ay qaybtooda uga qaadan lahaayeen dedaalada lagu xoojinayo amaanka mandaqada xasaasiga ah ee Geeska Afrika, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay. “Runtii sidaad la socotaan dalkan Jabuuti waa dal aynu Saaxiib nahay, aad iyo aadna aynu iskugu dheernahay, markaa waa lagama maarmaan marwalba in laga wada hadlo sidii la isku kaashan lahaa iyo sidii la iskaga war hayn lahaa iyo in Talooyinka la iswaydaarsado”.

Wasiirka daakhiliga Somaliland Cali Warancade isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Markaa Runtii arimo badan oo ay ka mid tahay dhinaca Nabad galyada, dhinaca iskaashiga Xuduudaha, dhinaca wada shaqaynta iyo sidii loo sii horumarin lahaa wada shaqaynta ayaan u tagaynaa, waana dal aynaan kala maarmi Karin, haddii ay tahay dhinaca labada shacab iyo labada dawladoodba.markaa aad iyo aadbaan ugu faraxsanahay inaanu dawladda jabuuti shirarkaasi la galo”.

Dhinaca kale mar Wasiir Warancade wax laga waydiiyey sababta wakhtigan keentay in madaxda amaanka u qaabilsan Somaliland  inay u jarmaadaan Djibouti iyo waxyaabaha ay kala hadlayaan madaxda dalkaasi, waxa uu si kooban u yidhi “Waa ahmiyadda Balaadhan ee annaga iyo jabuuti naga dhexaysa awgeed, markaa sidaas ayaanu weftigaasi ugu tagaynaa wixii nabad galyada khuseeyana waanu ka wada hadleen.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.