Beesha Baha Duqsi(Ciida Gale) Oo Saluug Balaadhan ka Muujiyey Saamiga Ay Ku Leeyihiin Xukuumada.
Posted by ifraax on April 03 2014 11:15:02

Haddaba madaamo cadaalada iyo sinaanshuhu saldhig u yihiin wadajirka, wax wada qabsiga iyo horumarka bulsho kasta waxa waajib ah in ay xukuumaddu ilaaliso xuquuqda muwaadin kasta. 


Extended News

Haddaba madaamo cadaalada iyo sinaanshuhu saldhig u yihiin wadajirka, wax wada qabsiga iyo horumarka bulsho kasta waxa waajib ah in ay xukuumaddu ilaaliso xuquuqda muwaadin kasta oo xaq u leh in la doorto isaguna cid doorto.

Shacabka Somaliland ooisku Duuban ayaa Go'aansadey in ay dhistaan qaran madax banaan oo ku qotoma cadaalad iyo sinaan bulshadu ka simantahay, Haddaba sida dhaqanka iyo caadadu tahay, waa hab dhaqan siyaasadeed in xukuumad kasta oo Somaliland majaraha u qabataa ka turjunto guud ahaan bulshada waajibna ay tahay cidkastaa iska dhex aragto.
Haddaba madaamo cadaalada iyo sinaanshuhu saldhig u yihiin wadajirka, wax wada qabsiga iyo horumarka bulsho kasta waxa waajib ah in ay xukuumaddu ilaaliso xuquuqda muwaadin kasta oo xaq u leh in la doorto isaguna cid doorto, guud ahaana hab-maamulka jira uu ka qayb qaato talo iyo tusaalaba. Beesha BAHA DUQSI (Ciidagale) oo ah beel balaadhan oo mug iyo miisaan ku leh Somaliland degena gobolka Maroodi-jeex ayaa

 
kulan ay yeeshey Aqoonyahanka iyo waxgaradka beeshaasi waxey isla waafaqeen dood iyo falanqayn dheer ka dib in cadaalada darro xaga maamulka ah ay kala kulmeen xukuumadda Madaxweyne Ahmed maxamed maxamud Siilaanyo oo haba yaraatee aaney ku lahayn wax xil iyo mansab ah oo beel ahaan codkooga iyo cudooda midna ku metela. Haddaba isagoo Madaxweynaha qaranku dhismihii ugu horeeyay u gartay beeshan Mareeyaha Hayada Korontada, waxa nasiib daro ah in laga qaadey balse aan waxba loogu bedelin saamigii ay xukuumada ku laahaayeen ku darsoo iyadoo muddo badan beeshu ilaalinaysa milgaha iyo sharafka qaranimo waxay go'aansadeen aqoonyahanka iyo waxgaradka beeshu in ay Baaqan qodobaysan u diraan Xukuumada dalka ka jirta gaar ahaan Madaxweynaha oo isaga taladdu ka go'do , baaqan oo ah mid ka turjumaya baadigoobka saamigii beeshani xaqa u lahayn cidna ayna uga marti ahayn balse ay is tustay inay madaxweynaha qaranka oo codkooga ku fadhiya si toosa u gaadhsiiyaan,  Haddaba Qodobada bayaanku waa sidan hoos ku xusan. 1.       Beesha BAHA DUQSI ( Ciidagale) waxay heegan u tahay ilaalinta Midnimada iyo Nabada Qarankan oo ah bud-dhiga maamulka jira, xil iyo waajib saarana ay ku tahay u tanaasulka guud ahaan waxa bulshada ka dhexeeya.
 2.      2. Aqoonyahanka Beeshu waxay cod dheer ugu baaqayaan in ay Madaxweynaha iyo Xukuumada Kulmiyaba uga fadhiyaan Saamigii siyaasadeed ee ay xaq u lahayeen, iyagoo garwaaqsaday in xaq wixii codkooga iyo cudoodu u goyeen ay wali ka maqanyihiin.
 3.      3. Waxaan madaxweynaha ugu baaqaynaa in uu aad ugu fiirsado awood qaybsiga beelaha ee hada jira oo mudan in beel kasta waxay xaqa u leedahay hesho, sida ugu dhakhsaha badana aanu u dareeno isbedel ku qotoma cadaalad iyo sinaan oo ah waxa umadda deeqi kara.
 4.      4. Aqoonyahanka iyo Waxgaradka beesha BAHA DUQSI waxay xaq u leeyihiin in ay ka tashadaan Aayahooda siyaasadeed, hadii xukuumada maanta jirtaana ay iska dhex arki waayaan danahooda wax wal oo masiirkooda siyaasadeed damaanad qaadaya u marayaan.
 5.      5. Kulanka aqoonyahanka iyo waxgaradka beeshu waxaa uu taageersan yahey cadaalad siman iyo awood qaybsi maamul oo lagu qanci karo in dalka iyo dadka lagu maamulo cid kastana iska dhex arki karto. Wa bilaahi tawfiiq. Ilaahaybaa Mahad iska leh. Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beelaha Ardaaga Baho Duqsi. Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beesha BAHA DEEQDI ( Ciidagale)
 Wa bilaahi tawfiiq. Ilaahayba mahad iska leh. Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beesha Baho Duqsi (Ciidagale)