Muuse Biixi Oo Daboolka Ka Qaaday In Guddida Qaban-Qaabada Shirwaynaha Kulmiye Ay Ku Hafteen.
Posted by abdi on April 04 2014 21:16:22

Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa arrimo farsamo ku sifeeyey .


Extended News

Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa arrimo farsamo ku sifeeyey dib u dhaca dhawrka jeer dib loogu riixay shirwaynaha xisbiga Kulmiye, kaas oo masuuliyadooda iskaga riixay guddida qaban-qaabadda shirwaynahooda.

Muuse Biixi waxa uu tilmaamay in guddida qaban-qaabadu ay hawsheeda si fiican u wadato balse ay qodobo badani ku adkaadeen, taasina ay sababtay in hogaanka xisbiga looga maarmi waayo xal u helidooda, isaga oo shaaciyey in 221 xubnood si rasmi ah loogu kordhiyey ergooyinka shirwaynaha xisbigaas, taas oo tirade guud ee ergooyinka ka dhigaysa 1162 xubnood.

Sidoo kale guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu tafaasiil ka bixiyey sababta madaxdii xisbiga UDUB ee buurtay ay saamigoodii u waayeen, ayaa waxa uu arrimahaasi ku sababeeyey kuwa sharciga xisbiga ku taxaluqa oo meel laga maro la waayey.

Guddoomiye Muuse waxa uu sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo ay si wada jir ah shalay isaga iyo madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ugu qabteen magaaladda Hargeysa. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya arrimahaasi, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Guddida qaban qaabada oo ah gudi farsamo oo aanu hawshan u dirnay meel fiican ayey soo gaadhsiisay haseyeeshee qodobada qaar baa ku adkaaday oo ay u baahdeen In hogaanku la eego, waxay noo keeneen sabtidii sadex cishana waaanu ku dhamaynay,sadexdaa cishana wax dhibaata ah iyo wax rafaada oo naga gaadhayna ma jirin..markaa shirweynaha hawlihii farsamo ee qolada qaban qaabinta ahi naga codsadeen waanu dhamaynay waxaana nagu soo baxay farsamooyinka ay iyagu u baahdeen inaan xalino oo iyagana aan awoodooda ahayn oo awood noqotay gudi fulineed..”.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyey sababta keentay in dhawr jeer dib loo riixo qabsoomida shirwaynaha Kulmiye, waxaanu yidhi “Way jiraan gobalo dhan iyo baarlamaan dhan oo  UDUB ahaa oo xaga Kulmiye u soo diga-rogtey arintaasina waxa ay u baahantay marka hore in la so dhaweeyo oo waa tu aan u baahanahay waanu soo dhaweynaynaa cida nagu soo biirtay oo dhanba oo waxaa loo baahday sharciyadeedii iyo isla ogalaashiyaheedii xisbiga in si sifo sharci ah ay dadkaasi ergada uga qayb galaan ilayn iyagu may ahayn dadkii markii hore xisbiga ka qayb galayee halka culaysku naga haystay iyagana gudida qaban qaabada haysay taas ayey ahayd. waxaaa kale oo nagu soo baxay laba qodob oo kale oo qaban qaabada gacan toodu xalin kari weyday oo waxaa weeye mujtamceenu marka aynu siyaasada ka hadlayno haweenka Soomaalidu meel ay joogaanba gaar ahaan kuwa Somalilad marka ay joogaan meel waxlagu qaybsanaayo kuwa siyaasiga ahi waxba looma ogala, hadana marka wixii gobalo la geeyo ama degmooyin, Soomaalidu dhawr cudur oo ay qabaan ayaa ku jira oo markaaba ay isha ku eegayso dabadeed inanta waxbaba looma ogala kay u dhaxday iyo kay ka dhalatayba halkaasna waxaa nooga soo baxday inaan dumarkii aanu wax gaara u qabano. ka sadexaad waxa weeye ee nagu soo baxay dadka la yidhaahdo qurbe jooga oo marka waxa lagu qaybinaayo hadaad gobalo aad dirto  oo gobaladiina deegaamo ay tagayaan oo deegaamadiina ay qabaa’il noqondoonaan qurba joogii waxba u hanbayn maayaan kaana waxa ay noqotay inaan qayb aanu u goyno waxaana qaybahaa aan kuu soo sheegay naga qaadatay inaan ergada aanu ku darno ilaa 221-Xubnood oo ah intaanu ku darnay ergada, tirada guudna waxaa ay noqotay 1162-Xubnood oo Ergooyin ah waayo waxaanu ku darnay dhamaan qaybaha bulshadda ee gobolada iyo degmooyinka.

 


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.