Madaxweyne Siilaanyo Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wefti Ka Socda Dalal Europe Ah.
Posted by abdi on April 04 2014 21:24:04

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo  oo qasriga madaxtooyada shalay ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socda wadamada Norway, Denmark, Holland, iyo Australia. 


Extended News

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo  oo qasriga madaxtooyada shalay ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socda wadamada Norway, Denmark, Holland, iyo Australia waxaana ku wehelinaysay kulankan wadamadaasi hay’adda UNODC oo safarka qaban qaabadiisana lahayd.

Weftigan waxa hogaaminaayey Safiirka Dalka Australia Mr. Geoffrey Tooth. Waxa Dhinaca Xukuumadda kulankaasi Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka, Eng Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Ganacsiga iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Beeraha JSL, Mudane Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibeda JSL, Mudane, Mowliid Maxamed Karaani, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane Cali Axmed Cali

Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnaayeen Geoffrey Tooth High Commissioner (Australia), Amanda Davis Deputy head of Mission Australian High Commission Nairobi John Wilcox, Johan Frederik Mau, Programme Officer at Embassy of Denmark in Kenya, Mr. Jan-Petter Holtedahl, Counselor at Royal Norwegian Embassy in Nairobi , Carl P. Salicath Director for Maritime Security (Norway), Mr. Andreas Skulberg Deputy Director General at Ministry of Justice and the Police (Norway), Senior Adviser Section for Sub-saharan Africa Ministry of foreign Affairs (Norway), Alain Ancion Deputy Ambassador to Somaliland and Somalia (Holland), UNODC- Koshin, Leonardo Hoy-Carrasco Consultant Hostage upport UNODC MCP, Rainer Fraunfeld, Director, Nairobi Operational Hub, Patrick Fruchet, Deputy Director, Nairobi Operational Hub, Francesca Caonero Associate Expert-PPTP.

Ugu danbayntiina Waxa Kulankan oo saacado qaatay waxa ka warbixiyey Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Xuseen Axmed Caydiid iyo Safiirka Dalka Australia ka socday Mr. Tooth.

 


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.