Beelaha Ayuub oo Ganafka ku Dhuftay ka Qaybgalka Shirweynaha Kulmiye.
Posted by xaaji on April 06 2014 01:51:05

Beesha Ayuub ayaa ka Biyodiida Saamiga laga siiyey Ergooyinka Xisbiga Tallada dalka haya ee Kulmiye, iyada oo beeshasi saami ahaan looga qoodeeyay 22 Ergey.


Extended News

Hargeysa (Hargeysa Online) Beesha Ayuub ayaa ka Biyodiida Saamiga laga siiyey Ergooyinka Xisbiga Tallada dalka haya ee Kulmiye, iyada oo beeshasi saami ahaan looga qoodeeyay 22 Ergey, waxanay Sheegen in aan la siinin saamigii ay ka mudnaayeen , sidaasi daraadeedna aanay Qaadanaynin Cad Quudheed isla markaana ay Beeshu isla garatay inaanay ka qaybgalin shirweynaha xisbiga haddii aan wax laga badalin ergada looga qoondeeyay.

Sidaasi Waxay ku sheegen warmurtiyeed ay ka soo sareen Shir ay ku yeeshen Magaalada Hargeysa.

Waxanu u dhignaa Sidan “Kadib Markii Beesha Ayuub shir ay ku yeelatay Magaalada Hargeysa oo aaanu kaga Arrinsanaynay Ergooyinka 22 ah ee la siiyey beeshayada, waxay beeshu isla afgartay in aanay Beesha Ayuub Qaadan Tiradaasi 22 Ergey ee la siiyey, oo aanu u aragno Cad Quudheed oo aan u qalmin beesha, hoos u dhacna ay ku keenayso Sharaf, Karamada iyo Milgaha aanu leenahay, Waxa kale oo aanu cambaraynaynaa Masuuliyiinta Kulmiye ee inta ay qaybiyeen Eergooyin ka baddan 1000 ay beesha Ayuub u soo fiiqeen 22- kali ah, taasina waxay na Tusaysaa milgaha uu u hayo hogaanka Kulmiye Beesha Ayuub.

Hadaba Haaddii aynu Milicsano Sooyaalka Taariikheed ee intii hanaanka Xisbiyada baddan ay Somaliland u guurtay haaddii aynu jaleecno beesha ayuub waxay tahay beesha kali ah ee Boqolkiiba Boqol Codkooda Siin jiray Xisbiga Kulmiye, Haddii ay noqoto Doorashooyinkii Golayasha Deeganka, tii Madaxtooyada, iyo tii Golaha Wakiilada, sidaasi daradeed Kulmiyoow waxaanu ku leenahay sidday Beesha Ayuub kugu listay Ugumaad hambeyn.

Beesha Ayuub markii ay arrimahaasi oo dhan ay eegtay waxa ay go’aansatay in ay Dib ugu celiso Xisbiga Kulmiye Ergooyinkii uu u qoondeeyay, waxanuna Leenahay Beesha Ayuub uma Qalanto ee Kulmiyoow dib isku noqda.

Guntii iyo gabagabadii haaddii uu Xisbiga Kulmiye hoos u eegiwaayo cabashada Beesha waxay Beeshu go’aansaday inaan shirweynaha xisbiga kulmiye cid ku abtirsata Beesha Ayuub ka qayb gali doonin, mustaqbal siyaasadeed ee Beeshana si guud beeshu uga tashan doonto cida ay taageeradeeda uwareejin doonaan doorashoyinka soo socda.
1.Chief Caqil Aw Khadar Aw Hasaan Aw Ibrahim
2.Caqil Wali Aw Ciise
3.Caqil Ahmed Ali Adan
4.Caqil Kamaal Sh. Mahamed Xaamud
5.Caqil Hussein Dahir
6.Caqil A/lahi Raabi Cadan
7.Caqil dheeg Adan Ahmed
8.Caqil Abdi Farah
9.Caqil Mahamed Geele
10. Caqil Abdilahi Hassan
11. Caqil Burale Mahamed Dheere.


 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.