Somaliland oo sheegtay in duulimaadkii Turkish Airlines uu billaaban doono.
Posted by xaaji on April 06 2014 02:01:26

Wasiirka Duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo maalmihii u dambeeyey hawlo shaqo u joogay dalka Turkiga.


Extended News

Wasiirka Duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo maalmihii u dambeeyey hawlo shaqo u joogay dalka Turkiga ayaa la kulmay wasiirka Duulista Hawadda ee dalkaasi,waxaanu ka dalbaday sidii Diyaaradda Turkigu u iman lahayd Somaliland.



“Wasiirka wasaaradda Duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo todobaadkii ugu dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Turkiga ayaa kulamo muhiim ah oo najiito wanaagsani ka soo baxeen la yeeshay madax sare oo ka tirsan dawlada Turkiga”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay kulamaddda uu wasiirku la yeeshay wasiirka Duulista Hawadda ee Turkiga.

“Wasiirka oo ay wehelinayeen laba Khabiir oo ka tirsan Wasaaradda Duulista Somaliland ayaa waxa ay shalay Magaalada Istanbul kulan kula yeesheen Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhiinta Turkiga Mr. Lutfi Elvan, kaas oo ay ka wada hadleen wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka hawada ee laba dhinac u dhaxeeya, Wasiir ka duulista ayaa dhigiisa Turkiga u bandhigay baahiyaha kala duwan ee madaarada Somaliland doorka horumarineed ee ay dawlada Turkigu ku yeelan karo”ayaa lagu war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka wasaaradda Duulista Hawadda Somaliland Sadaam Maxamed Axmed.



Wasiirka Duulista ayaa sidoo kalena kulan la yeeshay Maareeyaha Guud ee shirkada Duulimaadyada ee Turkish Airlines Dr Temel kotil iyagoo ka wadahadlay sidii ay shirkadaasi Duulimaadyo ugu bilaabi lahayd Madaaradda Somaliland, labada dhinac ayaa la sheegay inay isku afgarteen in diyaarada Turkish Airlines ay duulimaadyo Bisha June ee sanadkan ka bilowdo Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa.

Sidoo kale, waxa war-saxaafadeedkaasi lagu sheegay in wasiir Maxamed Xaashi la kulmay Maareeye ku xigeenka xafiiska xidhiidhka iyo mucaawinooyinka u qaabilsan Raysal wasaaraha Turkiga ee loo yaqaan Tikka, Mr. Sureyya Polat. Waxaanu wasiirku u gudbiyey dhawr mashaaric oo lagu horumarinayo madaaradda Somaliland.

Maareeyaha xafiiska ayaa la sheegay inuu u balanqaaday inay daraasad ku sameeyaan mashaariicdaasi, sidoo kale Xafiiska Tikka ayaa balanqaaday in bishan April dabayaaqadeeda ay ku caawin doonaan Madaarka Cigaal Airport hal gaadhi oo dab demis ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxa dalka Turiga uga socday wasaaradda Duulista Somaliland iyo Soomaaliya wada hadal khuseeya dhinaca hawadda sidii loo maamuli lahaa, taas oo khilaaf weyni ka dhexeeyey qaabka loo maamulayo duulimaadyadda hawadda sare.



Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.