Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo u kicitimay Dalka Itoobiya.
Posted by abdi on April 12 2014 22:02:51

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa manta u duulay Dalka Itoobiya halkaas oo ujeedada Socdaalkiisu lala xidhiidhinayo. 


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa manta u duulay Dalka Itoobiya halkaas oo ujeedada Socdaalkiisu lala xidhiidhinayo in uu doonayo in uu dhawaan sii dhaaafo.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa mar wax laga weydiiyey in ujeedada socdaalkiisu la xidhiidho khilaaf dhinaca dhacdo Somaliland iyo Itoobiya ku dhex martay magaaladda gabiley ayaa waxa uu kaga jawaabay in labada Dal arrintaas xaliyeen isla markaana baadhis ku socoto saraakiisha Somaliland ee falkaas ka qayb qaatay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu sheegay Dawladda Itoobiya in ay raaligelin ka siiyeeyn falkii lagu qabtay saraakiishooda sirdoonka isla markaana loogu gaystay tahdiida, isagoo xusay in cidii ku lug yeelata talaabo laga qaadi doono.

Somaliland ayaa dhinaceeda iyana Dawladda Itoobiya u bandhigtay qaladka ay ku kaceen saraakiishooda Sirdoonka kuwaas oo gaadhi leh taariko somaliya ah ku dhex watay Somaliland, taasoo ay ku doodeen in ay tahay sababta falka keentay.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland iyo wasiiradda Arrimaha Dibeda iyo gudaha Somaliland ayaa saaka Xarunta wasaaradda Arrimaha dibeda ku yeeshay kulan, kuwaas oo markii danbe isku raacay qasriga Madaxtooyadda halkaas oo ay kula kulmeen sida la sheegay madaxweyne Siilaanyo.

Si kasta ha ahaatee falka Lagu baadhay Dublamaasiyiinta Itoobiya oo meel xaasaasi ah gaadhay isla markaana ay u xidhan yihiin Saraakiil Boolis ah iyo shaqaale kale ayaan la garanayn halka uu ku danbayn doono.

Dhacdo tan oo kale ah ayay dhawaan Xukuumadda Somaliland ku xidh xidhay saraakiil ka socotay Itoobiya oo uu ku jiray maayarka magaaladda xarshin, kuwaas oo laga soo qabtay Gudaha Somaliland iyaga oo Hub la sheegay ONLF in ay dhigatay la baxayey, balse Maayarka Xarshimeed oo arrintaas u xidhnaa uu ka baxsaday Saldhiga Dhexe ee Hargeysa.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiil uu ka mid yahay badhasaabka Gobolka Gabilay ayaa lagu wadaa in ay arrinta gabilay ee Itoobiya iyo Somaliland isku hayaan galaafato.

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.