Gabar iyo wiil somali ah oo xalay lagu dilay Minneapolis.
Posted by xaaji on April 13 2014 12:14:20

Wiil iyo gabar Soomaaliyeed ayaa xalay ku dhintay magaalada Minneapolis kadib markii la xabadeeyay baabuur ay saarnaayeen.


Extended News

Wiil iyo gabar Soomaaliyeed ayaa xalay ku dhintay magaalada Minneapolis kadib markii la xabadeeyay baabuur ay saarnaayeen. Wiilka magaciisa waxaa la yiraahdaa Dahir Ahmed Shire Geesood gabadhana Tahani Erbob.
Markii la dilayay baabuurkooda wuxuu taagnaa 3016 29th ave south oo u dhow Lake st iyo 29-ka saacadu markey ahayd 9:30 fiidnimo. Ilaa iyo hadda ma jiraan dad loo xiray dilka labadan dhalinyaro. Tahani waxay ahayd gabar shaqeysata oo arday ah.
Dahir dhawaan ayuu xabsiga kasoo baxay. Sida aan warka ku helnay, Dahir sidii uu xabsiga uga soo baxay wuxuu ahaa nin fiican oo shaqeysta oo xabsiga isku soo badalay.
Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa dhawaan lagu dilay magaalada Minneapolis. Dilalka intooda badan waxaa lala xiriiriyay kooxo kala argoosanaya.


HargeysaOnline.Net