Ogeysiis Xisbiga Waddani iyo Jaaliyada Somaliland ee Waddanka Jarmalka.
Posted by ifraax on April 13 2014 21:57:30

Waxa Lagu Wargalinayaa Taageerayaasha Xisbiga Waddani iyo Jaaliyada Somaliland ee Waddanka Jarmalka in uu Imanayo 24.04.2014.


Extended News

 

Waxa Lagu Wargalinayaa Taageerayaasha Xisbiga Waddani iyo Jaaliyada Somaliland ee Waddanka Jarmalka in uu Imanayo 24.04.2014 Jarmalka Wefti Balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani MudaneCabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro). Weftiga oo iskugu Jira Xildhibaano iyo Masuuliyiin Kale Waxa aySoodegayaan Airportka Frankfurt Am Main. 24 -04 2014

Weftiga ayaa kulamo Balaadhan laqaadan Doona Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga Waddani iyo Jaaliyada Somaliland ee Waddanka Jaramalka.
Waxana uu aanu Dhamaan Kumarti Qaadaynaa Kulanka Jaaliyada Somaliland ee Waddanka Jarmalka Gobolkasta oo ay Kunoolyihiin, Waxana Habeen 25-04-2014 Habeenka Sabtidu Soogalayso Kulan Balaadhan oo lagu Soo DHawaynayo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Weftiga Culus ee uu Hogaaminayo Lagu Qabanayaa Magaalada Frankfurt Halkaa Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu uu Kula Hadli Doono DHamaan Jaaliyadaha Somaliland ee Waddanka Jarmalka

Cigaanka Guubtu

Ciwaanka Goobtu waa sidatan :- Im Mainfeld 6 60528 Frankfurt am main ( Franfurt niederrad). Waxaa lagu iman karaa marka Frankfurt haupt bahnhof ka hortiisa laga soo raaco strassebahnka (Tramm)no.21 ,u socda Universitättsklinikum,ayaa lagaga degayaa isla jaamacada caafimaadka waxaana lagu badalayaa strassabahn.no.15

oo isla jihadii hora waxa lagaga dagayaa 4 maxado dabadeed oo ah schwarzwaldstrasse dabadeedna dariiqa ugu horeeya oo ah Kniebisstrasse ayaa midig :

loo galayaa in yar dabadeed waad joogta im mainfeld 6, haddaad maxadada ku xigta kaga dagtid oo ah odenwaldstrasse gadaal ayaad u soo noqonaysaa oo bidix ayaa usoo galaysaa dariiqa kuugu horeeya,haddaad SBahn soo raacdana soo raac kuwa u socda Flughafenka(Airport>) waxaad kaga dageysaa maxadada u horeysa oo ah >NIEDERRAD
, dabadeedna dib u soo logee ilaa 15 daqiiqo,ugu danbayn haddaad ku imanayso baabuur fadlan isticmaal navigatorka,sidaayo ka soo qayb gal wanaagsan.
Im Mainfeld 6, D-60528 Frankfurt
Kala Xidhiidh Qaban Qaabiyaasha
Ahmed keyse Mohamed guraaye,Tel:015210100776

Axmed JaamacTell: 015218113408

Gudoomiyaha Xisbiga Waddanki ee Waddanka JarmalkaXuseen Abiib

Tell .01638563630