Baashe Cawil Iyo Wasiirka Macdanta Oo Qalqaalinaya Sidii Maxamed Biixi Yoonis Isu-Casili Lahaa.
Posted by ifraax on April 18 2014 13:49:44

Wiilka Baashe Cawil ee uu sodoga u yahay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa olole ba’an ugu jira sidii uu wasiirka arimaha.


Extended News

Wiilka Baashe Cawil ee uu sodoga u yahay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa olole ba’an ugu jira sidii uu wasiirka arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis isaga casili lahaa jagadiisa iyadoo sida la sheegay uu Baashe Cawil ka shakisan yahay in qaybo ka mid ah xogihii uu dhawaan soo bandhigey ee ku saabsanaa musuqmaasuq hadheeyey heshiisyada shidaal baadhista uu ka helay wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) oo la hadlaya dad muqarabiintiisa ah iyo niman ajnabi ah oo ay xidhiidh wada leeyihiin ayaa isna dhawr jeer ku cawday in Wasiirka Arrimaha Dibadu ka dambeeyo siraha ay Hargeysa Online hesho ee ku saabsan macaamilka u dhexeeya Wasiirka macdanta iyo shirkadaha shidaal baadhista ee uu heshiisyada aan lala ogayn la galo.

Siday ilo xogogaal ahi Hargeysa Online u sheegeen, Mr Ducaale wuxuu tuhunkaa uu qabo ku cadeeyey Baashe Cawil oo wakhtigan xaadirka ah ay isaga iyo sodohdii Aamina Waris ay talada ugu dambaysa ee ka soo baxda Madaxtodoyada Somaliland labadoodu ay go’aamiyaan.

Siday tibaaxeen dad ku dhawdhaw qoyska Madaxweynuhu waxa la filayaa in arintan uu ka dhasho isku-dhac caa’ilada Madaxtooyada iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maxamed Biixi Yoonis kaas oo ah wasiirka kaliya ee aan u habran wiilka awooda badan ee Baashe Cawil (xidid-ku-xoolow).

 

HargeysaOnline.Net