Dagaal dhex maray Ciidan boliceka iyo kooxo Argagixiso oo doonayey in ay ka baxsadaan jeelka Hargeysa.
Posted by abdi on April 20 2014 21:26:38

Wasiirka Wasarada Cadaalada Md. Xusseen Axmed Caydiid ayaa cadeyey in hal Askari uu ku dhintay Mid kalena ku dhaawacmay.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Wasiirka Wasarada Cadaalada Md. Xusseen Axmed Caydiid ayaa cadeyey in hal Askari uu ku dhintay Mid kalena ku dhaawacmay Dagaal Culus oo ka dhex qarcay Ciidamada Ilaalada Xabsiga iyo Kooxaha Argagixisada iyo Budhcad badeeda ee ku xidhan Jeelka Weyn ee Hargeysa.

Wasiirka oo la hadlayey Idaacada BBC ayaa sheegay in ay ciidanka Ilaalada Xabsiga ee Asluubta Somaliland ay ku guuleysteen in ay Xaalada Xabsiga Dejiyaan oo ay gacanta ku dhigaan Dhammaan Maxaabiistii Argagixisada iyo Budhcadbadeeda ee doonaysey in ay baxsadaan.

Wasiirka ayaa sheegay in uu wakhtigan ku sugan yahay jeelka oo ay ku guuleysten Dagaalkii meesha ka dhacay in ay dajiyaan oo ay Argagixisadiina soo qabtaan.

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.