Cali Khaliif Galaydh iyo Cali Ciise oo ka soo dagay magaaladda Taleex.
Posted by abdi on April 20 2014 22:37:13

Warar nasoo gaadhay  ayaa sheegaya in ay goor dhaweyd ka soo dageen magaaladda Taleex koox ay hogaaminayaan Cali Khaliif Galaydh iyo Cali Ciise.


Extended News

Taleex(Hargeysa Online) Warar nasoo gaadhay ayaa sheegaya in ay goor dhaweyd ka soo dageen magaaladda Taleex koox ay hogaaminayaan Cali Khaliif Galaydh iyo Cali Ciise oo ka mid ah kooxo Qas ka wada magaaladda Taleex ee Somaliland.

caliSida wararka Hordhaca ah eek a soo baxaya kooxdani ay sheegayaan waxay ka soo kicitimeen magaaladda Muqdisho, waxaanay wateen diyaarad khaas ah oo ay usoo kaxaysteen sidii ay uga bilaabi lahaayeen Olole siyaasadeed, kaasoo ka dhashay Hinaase ka dhan ah Hawl-galkii Ciidamadda qaranka Somaliland ay dhawaan ku tageen magaaladaasi.

Cali Ciise iyo Cali Khaliif Galaydh ayaa wada Qalalaase siyaasadeed iyo dagaalo lagu hoobto oo Gar-daro ah, iyadoo Somaliland maanta uga digtay in kooxaha Nabad-diidka ah ee ay hogaaminayaan faragalin ku sameeyaan xuduuda Somaliland gudaheeda.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.